X
    Categories: Warar

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Xiisadda Sanaag Iyo Xaaladdii U Danbaysay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay ka ganacsiga Tacliinta Iyo Caafimaadka Dalka, 15 Jun 2019. Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shaqaaqada gobolka Sanaag, wuxuuna sheegay in arrintaa nabad lagu soo dhamaynayo sida uu filayo.

Madaxweynuhu, wuxuu sidaa ka sheegay kulan ballaadhan oo maanta ka dhacay qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo lagu soo af-jaray muranka soo jitamay ee sannadii u danbeeyay ka taagnaa arrimaha doorashooyinka golayaasha Wakiiladda iyo Deegaanka.

kulankaa oo ay ka qaybgaleen guddoomiyayaasha xisbiyada WADDANI iyo UCID, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Faysal Cali-waraabe iyo saraakiil sarsare oo katirsan saddexda xisbi qaran.

Sidoo kale, waxa kulankaa goob joog ka ahaa, Ambassador. Nicolás Berlanga Martíne oo ah Safiirka Cusub Ee Midawga Yurub U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya iyo masuuliyiin kale, wuxuuna Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo arrimahaa ka hadlayaa, yidhi,

“Shaqaaqada Ceergaabo, waxan rajaynayaa inay nabad kusoo dhammaanay, wax walba waqti ayay leeyihiin, Midhaha Geedku markay bislaadaan iyagaa soo dhaca, iyadoo aan cidna soo goyn, dadkana nabada waqti ayaa la siiyaa, way daal badantahay, laakiin talladu marka danbe, iyadoo bislaatay ayay soo go’I doontaa”

Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuu sheegay in dawlad ahaan iyo ciidan ahaan iyo Odayaalba laga midaysanyahay sidii arrintaa nabad loogu soo dhamayn lahaa, wuxuuna xusay in xukuumad ahaan iyagoo aan ku xadgudbayn sharciga ay dulqaad baddan samaynayaan, isagoo dhinaca kalena xusay in saaka mar xiisadu kacday, balse ay arrintukusoo noqotay halkeedii oo ay degantahay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somalialnd, wuuxuu uga mahad-celiyay Ambassador. Nicolás Berlanga Martíne oo ah Safiirka Cusub Ee Midawga Yurub U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya oo sabab u ahaa heshiiska saddexda Xisbi, isagoo Madaxweynuhu sheegay inuu arrintan dhabar-adayg iyo dedaal dhexdhexaadin ah ka muujiyay ilaa uu ku guulaystay. Ambassador. Nicolás

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post