X
    Categories: Warar

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Wada-Hadaladii Soomaaliya, Mashaariic Dawladda Sweden Siinayso Somaliland Iyo Arrimaha Doorashooyinka

Araweelo News Network

WAR-SAXAAFADEED

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hoggaaminayey safiirka dalka Sweden u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador. Andreas von Uexküll.

Kulankaasi waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal, laysagana kaashan lahaa arrimaha la xidhiidha dimu-quraaddiyada iyo arrimaha doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka ee horraanta sanadka 2019ka, dalka lagu wado in ay ka qabsoomaan, sidoo kalena waxa laga wada hadlay mashaariicaha dalka Sweden ka taageero Somaliland, oo ay ballan qaadeen in ay sii wadi doonaan iyagoo marka horeba ahaa dalka saddexaad ee gacanta ka geysta arrimaha gargaarka binu-aadanimo, imikana ay halkii ka sii wadayaan iyagoo kor u qaadi doona kaalmadaasi.

Arrimaha kulankaasi lagu soo qaadayna waxa ka mid ahaa mashaariico cusub oo uu safiirku sheegay inay dhawaan bilaabi doonaan oo ku saabsan sidii loo gacan qaban lahaa haweenka iyo dhallinyarada Somaliland looguna samayn lahaa maalgelin iyo dhiirigelinba, waxa iyana xusid mudan oo kulankaasi lagaga wada hadlay in ay Somaliland, joojisay sidii ay horeba u sheegtay wada hadaladii u dhexeeyey dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay sababtay fara-gelinta ay Soomaaliya ku samaysay madax-bannaanida Somaliland iyo arrimaha mashaariicda horumarineed.

Ugu danbayn kulankaasi waxa uu ku soo dhammaaday jawi wanaagsan iyo is-afgarad, iyadoo loo ballamay in laga midho dhaliyo arrimaha ay ballan-qaadeen labada dhinac inay ka wada shaqeeyaan sida ugu haboon, uguna dhakhsaha badan

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post