X
    Categories: Warar

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Sannad Guuradii 37aad Ee Kasoo Wareegtay Ku Dhawaaqidii SNN

Araweelo Newx Network

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa ka hadlay sanad guuradii 37aad ee kasoo wareegtay markii koox laga diray dalka Sucuudiga ay Ururkii SNM kaga dhawaaqeen magaalada London ee Cariga Britain.

Dhnabaal Hanbalyo ah oo Madaxweynuhu ugu tala galay munaasibadaa, ayaa u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa Shacbiga Somaliland iyo guud ahaan aas-aasayaashii ururkii SNM ee dhaqdhaqaaqa waddaniga Soomaaliyeed ee SNM (Somali National Movement), oo lagaga dhawaaqay Magaalada London ee dalka Ingiriiska, kana soo wareegtay sannad guuradii 37aad oo ku beegan maanta 06/04/2018 oo ujeedadiisu ahayd in dib loo soo celiyo xoriyadii Somaliland ee luntay 1960 kii ee midowgii Somaliland iyo Soomaaliya oo ahaa laba dal oo xuduud wadaaga oo dawladihii Ingiriiska iyo Talyaanigu xukumi jireen kana kala qaatay xoriyadoodii iyadoo himiladu ahayd helida 5tii Soomaaliyeed oo hal dawlad noqda taasina ay hog dheer ku dhacday ka dib markii Dalkii Somaliland midowgaa ka dheefay xasuuq naf iyo maalba leh, ururkii SNM oo ka duulaya dhibaatada la dheefsiiyay dadkii Somaliland ayaa dhaq-dhaqaaaq xoogan oo lagu xaqiijinayo xornimadii xiligaa luntay ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya bilaabay.

Halgan dheer iyo hawl adag ka dibna wuxu ururku ku guulaystay inuu hanto dalkii Somaliland, kana xoreeyey kacaankii macangega ahaa ee uu hoggaaminayey keligii taliye Maxamed Siyaad Barre (Af-weyne), maanta ay Somaliland tahay dal nabad taama ku naaloonaya isla markaana ay ka hanaqaaday geediga dimuqraadiyada oo doorashooyin xor iyo xalaal ah lagu xukumo iyadoo guud ahaan geyiga Somaliland maanta marayo marxalad muujinaysa sida uu isugu tashaday ee tala-wadaaga iyo isu tanaasulku uga tisqaaday, iyadoo Sannad guurada 37aad ee ururkii SNM oo ku beegan 06/04/2018 ay Somaliland u tahay mid ka mida taariikhaha qarankani ka taabagalay.

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu u ducaynayaa dhammaan intii dhimatay ee ka midka ahaa aas-aasayaasha ururkaasi iyo intii ku naf weyday halkankii dib u xoraynta Jamhuuriyadda Somaliland, waxa kale oo uu madaxweynuhu hambalyo u dirayaa dhammaan intii naf iyo maalba la barbar taagnayd ururkaasi meel ay joogeenba.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Afhayeenka Madaxweynaha JSL.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post