X
    Categories: Warar

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Jawaabo Ka Bixiyay Su’aalo Ku Saabsan Xukuumaddiisa Oo Lagu Weydiiyay Shirka Golaha Dhexe

Kulanka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, Salaadiinta, Cuqaasha iyo Haldoorka Somaliland qayb ka mid ah 7 Jan 2019.

Boorama(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah guddoomiyaha  xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga  uga jawaabay su’aalo, ku saabsan isla xisaabtan iyo hawaale-warran, kuwaas wax lagag weydiiyay Xukuumadda uu hoggaamiyo ee Xisbiga KULMIYE .

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa mid mid uga jawaabay su’aalo ay weydiiyeen xubnaha golaha dhexe oo salka ku haya sida ay xukuumaddu u fulisay waajibaadkii ka saarnaa ballamihii uu xisbiga KULMIYE, bulshada u qaaday waqtiyadii doorashooyinka, iyaga oo sidoo kalena madaxweynaha la wadaagay qaar kamid ah tabashooyinka bulshadda ee u baahan in wax laga qabto.

Madaxweynaha, ayaa si kal-furnaan ah uga jawaabay su’aalaha ay xubnaha golaha dhexe weydiiyeen, waxana uu garowshiiyo ka bixiyey wixii tabasho ah ee xaqiiqda ku fadhida ee waqtigan jira, waxana uu ballan qaaday inuu mar walba diyaar u yahay isla-xisaabtan iyo wax isweydiin la xidhiidha sidii looga midho dhalin lahaa waxyaabihii uu xisbigu ummadda u ballan qaaday.

Kulanka isla xisaabtanka iyo hawaalle-warranka isugu jira ee Madaxweynaha iyo golaha dhexe dhexmaray oo qabsoomay isla intii uu shirka golaha dhexe socday, isla markaana ajandaha shirka qayb ka ahaa, ayaa ku dhammaaday jawi deggen, waxana uu madaxweynuhu si waafi ah uga jawaabay dhammaanba wixii su’aalo ahaa ee halkaas lagu weydiiyey.

Halkan Ka Daawo.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post