X
    Categories: Warar

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Golihiisa Wasiiradda Ee Xukuumadda Cusub Kulankii U Horreeyay Ku Faray Awaamiir Cusub

Araweelo News Network

Golaha Wasiiradda ee Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)-Kulankii ugu horeeyey ee ay yeeshaan Golaha Wasiirada ee xukuumadda cusub oo uu shir gudoominayey Madaxwaynaha JSL Mudane, Muuse Biixi Cabdi, waxaa lagaga wada hadlay arrimo dhawra. Kulankaas waxaa ka qayb galay 31 xubnood oo ka mida 32-ka xubnood ee golaha wasiiradu ka kooban yahay.

Madaxwyne Muuse Biixi Cabdi waxuu kalfadhigaa ka sheegay in xukuumaddaan hiigsigeeda uu saldhig u yihiin Balanqaadyadii iyo Barnaamijkii Xisbigu ku galay ololaha iyo Qorshaha horumarinta Qaran ee labaad (NDPII)

Kulankaa ugu horeeyey oo qaatay muddo saacado ah, wuxuu ahaa kulan isbarasho iyo is xog waraysi. Madaxwaynuhu wuxuu si gaara hoosta uga xariiqay muhiimadda ay leedahay Muwaadinimada wada jirka ummadda aynu masuulka ka nahay, isagoo Golaha faray in juhdi iyo dadaal midaysan loo galo sidii umadda loo midayn lahaa, loogana saari lahaa xanaftii ka dhalatay tartankii ololaha doorashada.

Haddaba, fadhigii koowaad ee uu yeesho golaha wasiirada cusub maanta oo ay taariikhdu tahay 16.12.2017, uuna shir Guddoominayey Madaxwaynuhu waxaa lagu go’aamiyey qodobadan soo socda;

1. Waxaa dhamaan golaha lagu dhaariyey inay ilaashaan sirta golaha wasiirada iyo ta qarankaba.

2. In Golaha Wasiiradu ay diiwaan geliyaan dhammaan hantidooda (guurtada iyo maguurtadaba).

3. In dhammaan Golaha wasiiradu ay keenaan xogta shaqsiga ah ee sharcigu waajibiyey ee looga baahan yahay oo dhamays tiran.

4. In la qabto kulano joogta ah oo la xidhiidha qaabka wada shaqaynta iyo xoojinta shaqada ay wasiiraduhu qaranka u hayaan.

5. In dhammaan gobolada dalku ay u sinnaadaan caddaladda iyo horumarka.

6. Maadaama ay wasiiradu yihiin masuuliyiin qaran loona igmaday xil qaran, waa inaan loo arag wasiir qolo, mid qoys iyo mid qabiil toona. Sidaas darteedna ay reeban tahay in Wasiiradu ay ka qayb galaan casuumado beelaysan oo Wasiirka ay beeshiisu si gooniya ugu maamuusayo

7. In xafladaha xilwareejinta ee mas’uuliyiinta cusubi ay kala wareegayaal mas’uuliyiinta xukuumaddii hore ay reeban tahay in lagu qabto meel ka baxsan xarumaha dawladda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post