X
    Categories: Warar

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Cusbitaalka Ku Booqday Mujaahid Xasan Ciise Jaamac

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Cusbitaalka Ku Booqday Madaxweyne Ku Xigeenkii U Horeeyey Ee Somaliland Mujaahid Xasan Ciise Jaamac 21 Jan 2020. Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta booqasho ugu tegay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland, Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo xaalad caafimaad loo dhigay  cusbitaal Gargaar ee magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo taliyaha ciidamada Booliska, ayaa wakhti kooban la qaatay Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo xaaladdiisa caafimaad haatan fiican tahay.

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Cusbitaalka Ku Booqday Madaxweyne Ku Xigeenkii U Horeeyey Ee Somaliland Mujaahid Xasan Ciise Jaamac 21 Jan 2020. Araweelo News Network

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu u duceeyey mujaahidka, waxana uu ka xog waraystay xaaladdiisa caafimaad, isaga oo sidoo kale warbixin la xidhiidha suurto-galnimada waxyaabaha loo baahan yahay in loo qabto ka dhegaystay Dhakhtarka xaaladdiisa gacanta ku haya.

Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee wehelinayey, ayaa Eebbe uga baryay inuu caafimaad degdeg ah siiyo mujaahidka oo haatan ku jira xaalad kasoo rayn ah oo aad u wanaagsan.

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Cusbitaalka Gargaar Ku Booqday Gaashaanle dhexe Cali Maxamedow, 21 Jan 2020. Araweelo News Network

Sidoo kale, waxa uu Madaxweynuhu isla Cusbitaalka Gargaar ku booqday Gaashaanle dhexe Cali Maxamedow oo ka tirsan ciidanka qaranka, kana mid ahaa mujaahidiintii dalka usoo halgamay kaas oo xaalad caafimaad Cusbitaalka ugu jira.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Nasir Yusuf Dahir Director of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post