X
    Categories: Warar

Madaxweyne Muuse Biixi Magcaabis, Xil Ka Qaadis Iyo Isku- Bedel Ku Sameeyay Masuuliyiin Xukuumaddiisa Ah

Araweelo News Network

Madaxweyne Muuse Biixi

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-172/072018, uu xil ka qaadis, magacaabid iyo isku-bedel ku sameeyey masuuliyiin ka mida xukuumaddiisa.

 

War-saxaafadeed kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda ayaa u dhignaa  Sidan:-

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

. In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
1.Admiral Guuto Maxamed Xuseen Faarax Xiirane
Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha
2.Mustafe Godane Cali Bile
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska
3.Cabdirashiid Xuseen Cabdille Gargaar
Guddoomiyaha Gobolka Sool
4. Amaal Cabdi Xasan
Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada

2. In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas’uuliyiintan u beddelo xilalkan:

1. Admiral Guuto Cabdi Xirsi Ducaale
La-taliyaha Madaxweynaha ee Maamulka iyo Amniga Badda
2. Dr. Cismaan Xuseen Warsame Cabdi
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

1. Ku: Mudane Cali Maxamed Cali Nuur, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta

Og: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo dhiibo hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad-sami ah ugu wareejiso Mudane, Dr. Cismaan Xuseen Warsame Cabdi oo ah Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.

Sidoo kale, waxaan farayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta in uu u kala wareejiyo labada mas’uul xilka, sida ugu dhakhsaha badan.

2. Ku: Mudane Cabdi Khayre Dirir,
Guddoomiyaha Gobolka Sool

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Guddoomiyaha Gobolka Sool.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad-sami ah ugu wareejiso Mudane, Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Gargaar) oo ah Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sool.

Sidoo kale, waxaan farayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha in uu u kala wareejiyo xilka labada mas’uul, sida ugu dhakhsaha badan.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post