X
    Categories: Warar

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Balanqaaday In Xukuumaddiisa Ay Ka Go’an Tahay Tayeynta Iyo Sidii Kor Loogu Qaadi Lahaa Nidaamka Garsoorka

Araweelo News Network

President of the Republic of Somaliland Muse Bihi Abdi

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan muhiima la qaatay  hoggaanka maxkamadda sare iyo xubno kamid ah bahda garsoorka Somaliland.

Kulankan madaxweynuhu la qaatay  maxkamadda sare iyo bahda garsoorka ayaa ah kii u horeeyey ee ay madaxweynaha ugu yimaadaan intii uu xilka la wareegay madaxweynuhu, waxaana laga wada hadlay oo mudnaanta koowaad la saaray sida ay u socoto hawsha maxkmadda sare iyo bahda garsoorka Somaliland.

Waxa kale oo kulanka lagaga wada hadlay muhiimadda iyo mudnaanta ay leedahay maxkamadda sare iyo doorka ay ka qaadato hawlaha qaranka ee ay hayso, waxaanay madaxweynaha u soo jeediyeen xeerar dhawr ah oo baahi gaar ah u qabtaan inuu wax kala qabto, kuwaas oo kala ah:

–          Xeerka xuquuqda garsoorka

–          Xeerka Nidaamka garsoorka

–          Xeerka Maxkamadda sare

Waxa kale oo lagu soo qaaday kulanka arrinta fulinta xukunnada ay fuliso maxkamaddu sidii loo dhaqan gelin lahaa, waxa sidoo kale laga wada hadlay sidii loo kordhin lahaa Bajadka, mushahaarooyinka maxkamadda sare, gaar ahaan iyo bahda garsoorka.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Biixi waxa uu soo dhaweeyey kuna ammaanay, kuna hambalyeeyey shaqada maxkamadda sare iyo bahda garsoorku u hayaan qaranka iyo shacbigiisa, waxaanu ku sii adkeeyey inay halkaa ka sii wadaan hawlaha qaran ee ay hayaan, waxaanu u sheegay inuu ku qanacsan yahay sida ay u gudanayaan waajibaadkooda shaqo.

 

Ugu dambayntii madaxweynuhu waxa uu u muujiyey taageero buuxda bahda garsoorka, isagoo u ballan qaaday inuu gacan weyn ka geysan doono guud ahaan arrimaha garsoorka iyo caddaaladda,  ha noqoto wixii kulanka lagaga wada hadlay ama wixii ka baxsanba, xukuumaddana ay ka go’an tahay tayeynta iyo kor u qaadida nidaamka garsoorka iyo caddaaladda, Isagoo mar kale ku dhiirrigeliyey inay doorka muuqda ee ay hayaan sii xoojiyaan, siina libin laabaan oo halkaa ka sii wadaan hawlaha qaranka.

  Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post