X
    Categories: Warar

Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Somaliland Muj. Xasan Ciise Muxuu Ka Yidhi Shirka Djibouti

 

Ankara(ANN)-Madaxweyne ku xigeenkii u horeeyay ee Somaliland, Muj Xasan Ciise Jaamac, ayaa ka hadlay shirka Somaliland iyo Soomaaliya ku dhexmaraya dalka Djibout.

Muj. Xasan Ciise, wuxuu kaga hadlay shirka wada hadalada Somaliland iyo Soomaliya iyo aragtidiisa qoraal uu kasoo diray dalka Turkiga, kaas oo uu soo mariyay Warbaahinta Madaxtooyadda Somaliland.

Nuqul qoraalkaas ah oo ku taariikhaysan, 17.6.2020,  ayaa soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, wuxuuna u qornaa sidan:-

Anigoo ah Xasan Ciise Jaamac waxan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ku hambalyeynayaa guusha uu ka soo hooyey shirkii wada hadalada Qaranka Somaliland iyo Soomaaliya ee ay dhex-dhexaadinayeen dalalka Maraykanka, Ethiopia, Jabuuti iyo Goob-joogayaashii ay ka midka ahaayeen midawga dalalka Afrika ee ay gogashiisa lahayd dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Qodobadan hoose waa kuwa aan madaxweynaha ku hambalyeynayo sida geesinimada leh ee uu shirkaasi uga dhex akhriyey dareenka shacbigiisa iyo dalkiisu qabaan ee garnaqsiga ahayd:-

1.      Shuruudaha uu ku xidhay kulanka Somaliland iyo Somaaliya ee uu ku guleystay, inaan dhinaca Somaaliya lagu soo darin xubno ka soo jeeda Somaliland Iyo in dawladaha waaweyn iyo ururada caalamiga ahi goobjooge ka ahaadaan kulankaa.

 

2. Qaabka uu wefdiga Jamhuuriyadda Somaliland ugu diyaargaroobay kulanka iyo dooda Somaliland sida uu madaxweynuhu ugu soo bandhigay kulanka, af iyo qoraalba.

 

 

3.     Natiijada kulanka sida inaan la siyaasadeyn kaalmooyinka labada dal ka helayaan shiisheeyaha iyo in wada hadalada labada dhinac ay hagaan danaha dadyawga labada waddan.

 

4.      War-murtiyeedkii kasoo baxay kulanka Jabuuti oo si siman oo isku mida uga hadlay isuna garab-dhigay labada madaxweyne iyo labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya.

 

 

5.      Xulashada Xubnaha wefdiga ku wehelinayay madaxweynaha shirka iyo xubnaha uu u magacaabey gudiga farsamada.

 

Xasuusin;

 

A.    Waanigii odhanjiray tan iyo 1991, diriiqa loo marayo ictiraafka Somaliland waxa uu ka bilaabmaa Xamar, Cabdiraxmaan Axmed Cali (AHUN) iyo anigu waanagii 1991 Xamar u dirnay wefdi uu hoggaaminayo Saleeban Maxamuud si cilaaqaadka labada waddan ugala soo hadlaan.

 

Xukuumadihii naga dambeeyay way ka maageen wada hadalada Xamar, markii aan taladaas dib usoo celiyay een kusoo qoray warbaahinta Somaliland ayuu Axmed Silaanyo ku dhiiradey, Muusena maanta wuu ku hagaagsanyahay inuu wadahadalada halkaas ka sii wado, waayo danta Somaliland ayaa sidaasi ku jirtaa.

 

Marka ay ugu badantahey Somaliland waxey ka heli doonta ictiraaf, marka ay ugu yartahayna waxay ka heli doontaa garawshiiyo caalamiya.

Marka aad garleeday garnaqsiga lama diido loomana eekaado garmaqaate.

 

Waayo caalamka ayaa ku odhanaaya hadaad ictiraaf dooneyso soo kala baxa cida aad kala tageysaan.

 

B.      Xukuumadan iyo xukuumadkastaba xaq ayay u leeday in lagu hambalyeeyo wixii guul ah ee ay soo hoyso.

Sida mucaaridku uu xaq ugu leeyahay inuu xukuumada kala taliyo wixii dhaliil ah ama dhibaato keeni kara.

                                                 

 

 WA BILLAAHI TAWFIIQ.

 

           Mujaahid Xassan Ciise Jaamac,  

Madaxweyne ku xigeenkii u horeeyey Jamhuuriyadda Somaliland                      

 

Ku Sugan Dalka Turkiga

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post