X
    Categories: Warar

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Oo Qaabilay Wefdi Ka Socda Maraykanka

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo xafiiskiisa kula kulmay wefti ballaadhan oo ka socday dalka Maraykanka oo ay ujeedka safarkoodu ahayd xaqiiqo raadis dhinaca arrimaha Somaliland oo abaartu ugu horayso.

Madaxweyne ku xigeenka oo soo dhawaynta ka dib warbixin dheer ka siiyey xaalada guud ee dalka iyo ta abaaraha ayaa u sheegay weftiga inay Somaliland tahay dal nabadgelyo ah oo horumar balaadhan ka sameeyey arrimaha bulshada, waxaanu ku dheeraaday madaxweyne ku xigeenku xaalada abaareed ee wakhtigan ka taagan dalka iyo in xoolihii laga soo gudbay oo ay dadkii haraad u dhimanayaan.

Markii shirka laga soo baxay ayey Dr. Edna Aadan Ismaaciil oo saxaafadda la hadashay ayaa tidhi “Sharaf wayn bay noo tahay in uu Madaxwayne ku-xigeenkeenii nasoo dhaweeyay halkana aanu ku qaabilnay wefti inooga yimi dalka maraykanka weftigani kama socdaan dawlad iyo magaalo toona balse waxa fariin soo faray aqalka odayaasha Maraykanka oo u soo diray xaqiiqo raadis abaaraha jira markaa abaartaasi ma dhabaa, Somaliland waxa la sheegayaa nabad tolow nabadaasi ma jirtaa? farriinta aynu inagu dadka u fidino waxa mar walba ka qiimo badan farriinta dadka kale inaga qaadaan waa makhraati furan waana safar saaxiibtinimo waanu soo dhawaynay wixii ALLE taa ka keenana gacanta ALLe ayay ku maqan tahay.

Abaaruhu siday yihiin ayaanu tusnay, doorashooyinka waxaanu ka qabnana waanu u sheegnay in ay dib inooga dhaceen duruufahaa ALLe keenayna ee aanay ahayn qaar inaga dhinaceena ka yimi ayaanu u sheegnay waxaanu u sheegnay inuu wadankeenu nabad yahay dadkiisuna nabad ku degan yahay dadkiisu nool yahay, dalkiisu horumar ballaadhan samaynaayo awoodahaas cida gacan naga siisay ee dibada ka timina ay iska yar yihiin waxaanu qabsanayna annagu aanu qabsanay awoodeena ku qabsanay, dadaalkeenana ku qabsanay, wadajirkeena iyo wada shaqaynteenana aynu ku qabsanay loona baahan yahay inaanu halkaas kasii wadno, markaa ummadeena waan u mahad naqayaa iyo xukuumadaba oo ogolaatay in waftigani dalka soo galaan oo ay wax inala arkaan”.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post