X
    Categories: Warar

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Qaabilay Safiirka Maraykanka Ee Soomaaliya iyo Madaxa Hay’adda USAID Ee Nairobi

Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna Ku simaha Madaxweynaha mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday safaaradda uu Maraykanku ku leeyahay Nairobi iyo madaxa hay’adda USAID xarunteeda magaalada Nairobi oo booqasho ku yimi Somaliland.

US Ambassador [caption id="attachment_19122" align="alignnone" width="1024"] US Ambassador Somalia Stephen Schwartz, photo by, Araweelo News Network

Somalia Stephen Schwartz, photo by, Araweelo News Network[/caption]

Madaxweyne ku xigeenka, isla markaan ah ku simaha madaxweynuhu kulanka uu la yeeshay wefdiga waxa ku weheliyay wasiirada arrimaha dibada, arrimaha gudaha, warfaafinta, Diinta iyo aw-qaafta, degaanka iyo wasiiru-dawlaha madaxtooyada, waxaana weftiga hogaaminayey safiirka Maraykanka Mr. Stephen M. Schwartz, iyadoo ay ku weheliyeen boqashada madaxa hay’adda USAID Mr Alex Dickie.

Kulanka waxa diirada lagu saaray xoojinta cilaaqaadka ee dawladaha Somaliland iyo Maraykanka, ka war haynta arrimaha doorashooyinka iyo xaalada abaaraha ee Somaliland ku dhuftay sanadihii la soo dhaafay.

Wasiirka amuuraha dibeda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa saxaafadda la hadlay markii kulankaasi soo idlaaday, waxaanu yidhi “Saaka waxa halkan bookhasho inoogu yimi wefti ka socday safaarada Maraykanka oo uu hogaaminaayo safiirkay Maraykanka Soomaaliya iyo Somaliland ee fadhigiisu yahay Nairobi Stephen M. Schwartz iyo madaxa haya’dda USAID. Waa markii ugu horaysay ee ay ina soo siyaartaan si ay ula kulmaan dawladda, asxaabta iyo ururada bulshada si ay ugu kuur galaan xaaladeena xaga baaraha, doorashooyinka, xaga bulshada iyo dhinacyo fara badan.

Saaka shirkaa waxa noo gudoomiynayey madaxweyne ku xigeenka si aad iyo aad u wanaagsan ayuu noogu dhacay, si saraaxad leh waanu isugu waranay waxa aanu rajaynayaa awalba cilaaqaadkeenu uu wanaagsana inaga iyo Maraykanka inuu ka sii wanaagsanaado intii hore, insha Allah waxa aanu rajaynayaa inay mar kale nagu soo noqdaan musqablka”.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post