X
    Categories: Warar

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Kumanaan Qof Magaalada Burco Kala Qaybgalay Xuska 18 May

Araweelo News Network

Burco(ANN)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdulaahi Ismaaciil Saylici, ayaa Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer kaga qaybgalaymunaasibad ballaadhan oo lagu xusay maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May.

 

Munaasibada xuska 18 May, ayaa lasoo qadimay kadib markii ay ku beegantay Bisha barakaysan ee Ramadaan.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, oo kumanaan qof oo shacbiga ku dhaqan Xarunta gobolka Togdheer kala  qaybgalay munaasibadaa oo lagu qabtay Fagaaraha Khayriyada ee Burco, ayaa shacbiga Gobolkaa ku hambalyeeyey xuska sanad-guurada 27-aad ee ka soo wareegtay markii dib ula soo noqoshada Qaranimada Somaliland ee lagaga  dhawaaqay Magaalada Burco 18 May 1991-kii.

Halkan ka Daawo Muuqaalka Xuska 18 May ee lagu qabtay Magaalada Burco.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post