X
    Categories: Warar

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb-galay Munaasibad Hay’adda Kaydka Raashinku Kusoo Bandhigtay Dhaqaale Ay Ka Heshay Qaramadda Midoobay

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland

 

Hargeysa(ANNN)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici) ayaa maanta ka qayb galay munaasibad Hay’adda u diyaar garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka ay soo qaban-qaabisay oo lagu soo ban-dhigay kaalmo ay hay’adaha qaramada midoobay soo gaadhsiisay Somaliland.

Kulankani oo ay kasoo qayb galeen hay’addo badan oo fulinaaya mashaariicda ay qaramada midoobay ka hirgelinayso Somaliland ayaa dhamaantood si weyn u sharaxay qaabka ay u fulin karaan mashaariicdaasi tirada badan.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka qayb galay wareejinta kaydja raashinka

Maareeyaha Hay’adda u diyaar garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka, mudane Faysal Cali Sheekh ayaa sheegay in hay’adahani ay ku guulaysteen inay fuliyaan mashaariicda ay qaramada midoobay soo gaadhsiisay Somaliland, isagoo sheegay in mucaawimooyin ballaadhani ay soo gaadhay hay’addan islamarkaana ay u maamuleen si wanaagsan.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay qaramada midoobay dadaalka dheer ee ay ugu jirto sidii ay u taakulan lahayd bulshada Somaliland, waxaanu madaxweyne ku-xigenku xusay in xukuumadda Somaliland si wayn u laban laabtay xidhiidhka ay la leedahay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post