X
    Categories: Warar

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Hadlay Tabashada Mumeteliinta Mucaardka Ee Muddo-kordhinta Xukuumadda Iyo Golaha Wakiiladda

Hargeysa(ANN)Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa ka hadlay qorshaha xukuumadda ee tabashooyinka mumateliinta mucaardku ka muujiyeen muddo-kordhinta loo sameeyay Madaxtooyada iyo Golaha Wakiiladda Somaliland.
Madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo saaka shir jaraaid ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay inay Xisbiyada qaranka u fidinayaan shir wadahadal oo lagaga arinsanaayo khilaafka siyaaseed ee ka taagan mudo kordhintii ay sameeyeen golaha guurtidu, waxaana uu xusay Madaxweyne ku xigeenku in 20-bishan laysugu iman doono shirkaasi wada tashi ka dib xuska maalinta qaranimada somalind ee 18-ka may , Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa hoosta ka xariiqay in umada Somaliland caan ku tahay wada tashiga islamarkaana ka xukuumad ahaan ugu baaqayaan asxaabta qaranka shirkaasi wada hadal.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post