#Araweelo_News_Network
Hargeysa(ANN)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Maxamed Axmed Aw Cali, ayaa ka dayriyay xaaladda qabyaaladeed ee dalku marayo iyo weliba isticmaalka maandooriyaha, wuxuuna si addag uga hadlay dhibaatooyinka ka dhalan kara arrimahaa eee waxyeeli karta himilooyinka qaranimada Somaliland.
Xuska maalinta lagu xurmeeyo kacdoonkii dhainyarada ee ay hormoodka u ahaayeen kooxdii UFFO, ayuu si weyn ugu amaanay halgankoodii ay ku kasbadeen xabsiga iyo tacadiga, isagoo tilmaamay in taariikhda halganku sameeyo, isla markaana Somaliland leedahay taariikh halgan oo sababtay guusha qaranimada maanta Somaliland.
"Xukuumad ahaan waxaa naga go'an in dhalinyarada la xoojiyo midnimadooda, cadaaaladooda iyo horumarkooda, lana mideeyo oo loo abuuro shaqooyin." ayuu yidhi, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka hadlayay munaasibada lagu xusay maalinta dhalinyarada ee kacdoonkii kooxda UFFO hormoodka u ahaayeen oo Hargeysa lagu qabtay maanta.
Madaxweyne ku xigeenka, ayaa baaq u jeediyay ganacsatada dalka , iagoo ugu baaqay innay sameeyaan maalgashiyo shaq-abuur ah oo dalka wax u tara, “Ganacsatada Somaliland meel walba oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa in haddii aan dhaqaallaha la korin oo shaqo loo abuurin meel gaadhimayno, sababtoo ah qof bini’aadamku nolol, waxbarasho iyo caafimaad ayuu u baahanyahay. Ganacstada waa innay shaqo abuur sameeyaan oo dalka maalgashi ku sameeyaan, aduunka maaha dawladdaha kuwa shaqooyinka bixiya, dawladduhu nidaamka ayay abuuraan iyo shiruucda, shaqada cida bixisaa waa ganacsatada malqabeenada.”
Mar uu tilmaamamay arrimahaa, wuxuu sheegay in dalalka qaar Compeny keliya uu ka shaqaale badanyahay dawladda oo dhan, sidaa awgeed wuxuu cod dheer ku sheegay in ganacsatadu dalka ka sameeyeen shaqa abuur si dhaqaallaha dalku u kobco.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa khudbadiisa ku canaantay wasaaradda War-faafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, isagoo yidhi, wasaarada warfaafintu waa innay dadka usoo gudbiyaan barnaamijyo wacyigelin ah oo dadka lagu toosinayo.
Dhinaca kale, wuxuu Madaxweyne ku xigeenku wuxuu canaan usoo jeediyay saxaafadda Somaliland, isagoo si gaar ah u tilmaamay Baraha Bulshada oo laga wado waxyaabo lid ku ah qaranimada iyo amniga, wuxuuna ugu baaqay warbaahinta in dhinaca wanaagsan loo adeegsado.
Munaasibada xuska waxa sidoo ka hadlay Wasiiro ka tirsan xukuumadda, haldoor kale oo bulshada ka mid ah iyo qaar ka mid ah dhalinyarada Somaliland.