Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa caddeeyey in xaaladda abaartu meel xun marayso, taasoo uu xusay inay saamayn qallafsan ku yeelatay bulshada dalkiisa.
Md. Saylici oo hadal ka jeediyey kulan Guddida Abaaraha ee Heer Qaran ay lacag iyo taakulayn kala duwan kaga guddoomeen dhallinyaro iskood isu xil-qaamay, waxa uu ku baaqay in laga wada qaybqaato gurmadka dadka abaaruhu saamaynta ku yeesheen.
“Waxaan u mahdcelinayaa dhallinyaradan is-xilqaantay. Waxaan farriin gaar ah u dirayaa qurba-joogga reer Somaliland oo dalal wanaagsan jooga inay wixii karaankooda ah ku soo taageeraan dadka abaaruhu halakeeyeen. Abaaruhu meel xun bay marayaan, Alle ha innaga soo jabiyee, aad baanan ugu mahadcelinayaa cid kasta oo ka qaybqaadatay taakulaynta dadka iyo duunyada abaaruhu saameeyeen,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenku.
Waxa uu intaas ku daray, “Barnaamijkan oo dhallinyaradu u bixiyeen ‘qad maalin oo quudi walaalkaa.’ Qofna maalin amma waqti uu qado uma dhimanayo, laakiin haddii uu maalin amma waqti ka mid ah xilliyadiisa haddii uu walaalkii oo baahan ku caawiyo wax ayey u taraysaa. Maanta dadka reer Somaliland waa dhawr milyan oo qof, markaa haddii aynu maalin qudha qof walba yoomkiisa amma waxyaabaha faakahaysiga ee uu qaadka iyo waxyaabaha mukhaadaraadka ah ku bixinayo amma cuntada daruuriga aynu hal maalin hurno waxa ay noqonaysaa lacag wax badan tarta, kadibna dadkeenna dhibaataysan ee abaaruhu saameeyeen ee la ildaran harraadka iyo gaajada wax badan ayey u taraysaa.”
“Inta aynu innagu cuntada haysanno ee dhergayno, guryaha iyo dharka quruxda badan haysanno, waa in aynu lahaano dareenka ah in carruur ina la mid ah, hooyo inala mid ah amma aabbo inala mid ah inuu qabo dhibaato, markaa waxaan leeyahay waa in aynu dadkeenna u wada gurmanno.”
Marwo Ayaan Xaaji Aktoobar oo ku hadlaysay magaca guddida dhallinyaradaas, ayaa sheegtay inay Guddida Taakulanyta Abaaraha ku wareejinayaan lacag dhan $11 kun oo doollar, 6 milyan oo shillinka Somaliland ah iyo 1 ton oo isugu jira raashin iyo dhar kala duwan, kuwaasoo ay xustay inay ugu talogaleen bulshada abaaruhu saamaynta xun ku yeesheen.
Waxa kaloo halkaas ka hadlay Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah Guddida Qaranka ee Taakulaynta Abaaraha, waxaannu uga mahadceliyay dhallinyaradansida ay isaga xilqaameen u gurmashada walaalahooda abaarta dhibaataysan, isagoo ugu baaqay shacabka reer Somaliland inay sii wadaan taakeerada ay siinayaan dadka ay abaaruhu naafeeyeen ee ku dhaqan degaannada kala duwan ee dalka.