X
    Categories: Warar

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo ka Dhaawacmay Misigta Bidixda

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka dhaawacmay misigta lugta bidixda, kadib markii uu ku siibtay marmarka gurigiisa caasimadda Hargeysa gelinkii dambe ee shalay.
Md. Saylici oo markii dhaawacu gaadhay la keenay cusbitaalka guud ee Hargeysa, isla markaana dhakhaatiirtu saareen sawirka lagu eego lafaha, ayaa xog kooban oo Jamhuuriya helay sheegtay in aannu wax jabniin culus ah gaadhin, balse uu jiro dhaawac dillaac ah oo ka gaadhay misigta lugta bidixda, waxana markiiba dib loogu celiyey gurigiisa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Silaanyo oo ay wehelinayaan Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Md. Maxamed Muuse Abees, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Md. Axmed Cali Axmed, ayaa guriga ku booqday Madaxweyne-ku xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) si ay xog buuxda uga helaan dhaawaciisa.
Madaxweyne-ku-xigeenka oo warbixin kooban siiyey Madaxweynaha iyo xubnaha la socday, ayaa sheegay in aannu wax dhibaato ah dareemin markii u horreysay ee uu marmarka ku siibtay, balse xannuun ku soo baxay markii dambe, isagoo xusay in aannu si iskii ah u kici karin amma u istaagi karayn haddii aan cid kale taageerin amma aan garbaha la qaban.

Waxa kale oo uu tilmaamay inuu la kulmay dhakhaatiir kala duwan oo qiimayn ku sameeyey xaaladdiisa caafimaad u sheegeen in aanu jirin dhaawac culus oo uu qabo, isagoo Madaxweyne Siilaanyo Ilaahay uga baryey inuu caafimaad sareecan ah siiyo ku-xigeenkiisa, una fududeeyo nabarka ka gaadhay misigta lugta bidixda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post