X
    Categories: Warar

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Oo Indhaha Ka Soo Qaaday Xaalada Ay Ku Sugan yihiin Dadkii Ay Saamaysay Duufaantu

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo saaka kormeer dhinaca cirka ah ku soo maray deegaamada xeebta Somaliland ku teedsan ee ay ku dhufatay duufaantu, ayaa gaadhay goobo muhiima oo ay ka mid ahaayeen tuulo xeebeedka Yago iyo garyaara oo ka wada tirsan Lughaya oo ay ku go’doonsanaayeen dad aad u jilicsan oo u baahnaa gurmad iyo gargaar caafimaad, iyadoo loo daad gureeyey magaalooyinka si loogu fidiyo adeegyada ay u baahan yihiim uguna muhiimsanaayeen caafimaadku.

Waxa kormeerka madaxweynaha ka soo baxay o ay soo taabteen xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta deegaamadaasi ay saamaysay duufaantu, iyadoo waxyeeladu ay marba marka ka sii danbaysa soo kordhayso oo la ogaanayo in khasaaruhu sii badanayo, waxaanu maaxweyne ku xigeenku soo kormeeray goobo ay ka mid yihiin Hadayta, maame, gargaara, ido-cadays, garbodadar, cabdi geedi, lughaya, riiga karuura iyo goobo kale oo ay saamaysay masiibadaasi.

 

Iyadoo ay Masiibadaasi sababtay khasaare naf iyo maalba leh ayaa waxa uu madaxweyne ku xigeenku intii uu ku jiray kormeerkiisa waxa loo xaqiijiyey dhimashada dadka oo gaadhaysa 31 ay 18 ka mid ahi ku geeriyoodeen gargaara oo ka tirsan Lughaya iyadoo afarka mid ah dadkaasi la waayey raqdooda iyo ruuxdoodaba meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Ugu danbayn waxa goobahaasi gaadhay gurmad isugu jira caafimaadka oo ay hoggaaminayso wasaaradda horumarinta caafimaadka oo kaashanaysa hay’adaha caafimaadka u qaabilsan Somaliland iyo gargaar dhinaca cunnooyinka ah, si loo badbaadiyo intii ka badbaaday masiibadaasi ee ku go’doonsan deegaamadaasi ku teedsan xeebaha Somaliland.

Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post