X
    Categories: Warar

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Oo Gargaarkii U Horreeyey Gaadhsiiyey Goobaha Roobabkii Duufaannada Watay Waxyeeleen

Araweelo News Network

Lughaya(ANN)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa deeqdii ugu horraysay ee gargaar ah oo xukuumaddu bixisay gaadhsiiyey degmada Lughaya oo kamid ah goobaha ay sida weyn u wax yeelleeyeen roobabkii duufaannada watay ee ku dhuftay ee dhawaan gobollada Awdal, Salel iyo Saaxil.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo uu wehelinayo guddoomiyaha hay’adda qaxtoontiga iyo Barakayaasha, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed(Xinif), ayaa diyaarad nooca qummaatiga u kaca ah oo ay inagu caawisay dawladda Imaaraadka Carabta, deeq gargaar ah ugu geeyey shacabka ku dhaqan deegaanka Lughaya ee ay roobabku waxyeellada gaadhsiiyeen.

Gargaarkan oo isugu jira daawooyin, Raashin, Dhar, Timir, Biyo waxyaabo kale oo nolosha muhiim u ah, ayey madaxweyne ku xigeenka iyo weftiga uu hoggaaminayaa gaadhsiiyeen shacabka degmada Lughaya, kuwaas oo si weyn ugu farxay deeqda gargaarka ah ee ay xukuumaddoodu soo gaadhsiisay.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo hadal kooban ka jeediyey goobta lagu wareejinayey gargaarkan, ayaa sheegay inuu gargaarkani hordhac u yahay deeq laxaad leh oo ay xukuumaddu u qorshaysay dadweynaha duufaannadu tabaaleeyeen, isla markaana maalmaha soo socda oo dhan aanay xukuumad ahaan ka nasan doonin sidii dadka dhibaatadu taabatay deeq loo gaadhsiin lahaa.

Mudane Cabdiramaan Saylici, ayaa shacabka u sheegay inaanay xukuumad ahaan waxba iska hagranaynin, isla markaana intii awooddooda ah gargaar gaadhsiin doonaan dadka dhibaatadu taabatay, “Gurmadkii ugu horreeyey waa kan, haddii uu roobku inaga yara maqnaadona gaadiidkii baa iman doona, caafimaadkiina wuu ina soo gaadhay, intanina waxa ay noqon doontaa dhiig joojin uun, waxana aanu idinku boorrinaynaa inaad ka fikirtaan sidii aad gargaarkaas si wanaagsan isugu gaadhsiin lahaydeen,” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriaydda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

Shacabka ku dhaqan deegaanka Lughaya ee gargaarka hordhaca ahi gaadhay, ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin inay nasiib u heleen gargaarkii ugu horreeyey ee xukuumadda Somaliland bixiso, waxana ay ka warrameen heerka ay gaadhsiisan tahay dhibaatada ka dhalatay roobabkii dabaylaha watay ee Jiiddaas ku dhuftay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post