X
    Categories: Warar

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo Daah-furay Barnaamij Lagu Afurinayo Maxaabiista Ku Xidhan Jeelasha Dalka

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN()-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa daah-furay Barnaamij cusub oo lagu afurin doono dhammaanba maxaabiista ku xidhan jeelasha kala duwan ee dalka, kaas oo uu maal-geliyey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isla markaana la magac baxay MAXBUUS LA AFUR MADAXWEYNEHAAGA.

Munaasibadda uu madaxweyne ku-xigeenku ku daah-furayey barnaamijkan cusub ee lagu afurinayo maxaabiista ku jirta jeelasha dalka, ayaa waxa sidoo kale goob-joog ka ahaa wasiirka Caddaaladda, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye iyo taliye-ku-xigeenka ciidamada Asluubta sarreeye guuto Xasan Cali Dheere, waxana ay masuuliyiintani faahfaahin ka bixiyeen faa’iidada barnaamijkan

Ugu horrayn waxa halkaas ka hadlay taliye-ku-xigeenka ciidamada Asluubta Jamhuuriyadda Somaliland, sarreeye guuto, Xasan Cali Dheere, waxana uu madaxweynaha ugaga mahadceliyey tallaabada naxariista leh ee uu qaaday iyo sida uu ugu dabcay dadkiisa maxaabiista ah, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Aad iyo aad baan usoo dhaweynayaa mashruucan la magac baxay, MAXBUUS LA AFUR MADAXWEYNEHAAGA, oo ah barnaamij uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ugu talo galay inuu ku afuriyo xabsiyada dalka ku yaalla oo ka kooban 14-xabsi, kuwaas oo uu soddonka bisha ramadaan madaxweynuhu ugu talo galay inuu ku afuriyo, waxana ay muujinaysaa dedaalka ay madaxweynaha iyo ku-xigeenku ugu jiraan inay muwaadiniinta wax la qaybsadaan, mid xidhan iyo mid aan xidhnaynba.”
Wasiirka caddaaladda Somaliland, mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa isaguna dhinaciisa bogaadiyey barnaamijkan cusub ee maxaabiista jeelasha dalka ku jirto lagu afurinayo, waxana uu tilmaamay in tallaabadan madaxweynuhu gadh-wadeenka ka yahay marag ka tahay sida ay Somaliland uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda Aadamuhu, waxana uu yidhi, “Waxa aanu halkan u joognaa daah-furka barnaamijkan muhiimka ah oo aanu soo bandhigay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo iyagu nala qaatay fikirkan, waxana halkaas kaaga muuqata sida ay u tixgelinayaan kooxda xidhan, iyaga oo ilaalinay maxaabiista oo nafaqayna, waxa kale oo halkaas ka muuqata inay Jamhuuriyadda Somaliland ilaalinayso xuquuqda Aadamaha oo dhan, waxana aanu ugu talo galnay inuu barnaamijkani noqon doono mid socda.”

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa isaguna dhammaanba maxaabiista jeelasha dalka ku jirta ugu bushaareeyey inay gebi ahaanba bisha barakaysan ee Ramadaan heli doonaan afur uu ugu tabbarrucay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxana uu yidhi, “Umadda reer Somaliland waxa aanu u sheegaynaa in madaxweynuhu gartay bisha barakaysan ee Ramadaan darteed la afuriyo maxaabiista ku jirta dhammaan jeelasha Somaliland, tiradii ay doontaba ha ahaatee, iyada oo la sharfayo maadaama ay xorriyadii ka maqan tahayna ay madaxweynaha la afuraan.”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post