X
    Categories: Warar

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Wefdi Ka Socda Qaramada Midoobay Oo Ka Wada Hadlay Dardar Gelinta Mashruuca JPLG

Araweelo News Network

 

Hargyesa(ANN)-Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa kulan gaara la qaatay Wefti ballaadhan oo ka socday Qaramada midoobay oo uu hoggaaminayey ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Qaramada Midoobay, isla markaana ah isu-duwaha Arrimha Gargaarka Binu’aadanimada, u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Peter de Clercq.

 

Kulankaa oo ahaa mid gaar ah waxa lagaga wada hadlay sidii loo dardar gelinlahaa mashruuca maamul daadejinta dawladaha hoose ee JPLG, diiradana loogu saari lahaa diyactirka qorshaha shanta sanno ee soo socda oo ay kaw ka tahay sidii loo heli lahaa dhaqaale ku filan Somaliland, iyadoo dawladduna diyaar ay u tahay  qaybtinta mashruuca, isla markaana kordhisay qaybteedii ahayd 17% imikana ay ka dhigtay 21%.

 

Waxa kale oo laga wada hadlay sidii qorshaha shanta sanno loogu fulin lahaa mashruucan saddex iyo labaatanka (23) degmo doorasho ee dalka, iyadoo mudnaanta koowaad la siin doono gobolada barriga Somaliland.

 

Ugu danbayn kulankaasi waxa lagu lafo-guray sidii loo heli lahaa kaalmadii ku aadanayd barmaamijkaasi maamul daadejinta dawlahada hoose ee JPLG, waxaanu ku xigeenka ergeygu balan qaaday inay dedaal muuqda ka geysanayaan dhinacooda.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post