Araweelo News Network

 

Boorama (ANN)Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE,Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay bilawga hawsha diiwaangelinta codbiciyayaasha doorashooyinka Somaliland kusoo waajahan oo si rasmi ah uga bilaabantay maanta Gobolka Awdal.

Guddoomiyaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo safar ku maraya galbeedka Somaliland, waxa safarkooda ku weheliya wefti ballaadhan oo ka tirsan xisbal-xaakimka si ay uga qaybqaataan hawsha qaran ee diiwaangelinta codbixiyayaasha, waxayna kormeer ujeeddadiisu ahayd dhiirrigelinta qaadashada kaadhka iyo qiimaynta sida hawshu u socoto ay ku mareen degaannada hoos yimaada degmooyinka Boorama iyo Baki ee Gobolka Awdal.

Murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE ee doorashada soo socota – Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo bilaabay kooban oo loo sameeyey shaacinta kadib xaflada kormeerkooda bilowga rasmiga ah ee diiwaangelinta gobolka, waxay si wadajir ah u booqdeen dhawr goobood oo ka mid ah kuwa dadweynaha laga diiwaangelinayey ee gudaha magaalada Boorama oo ay ka mid ahaayeen goobaha ku kala yaal dhismaha Wasaaradda Hawlaha Guud ee Awdal, xarun laga sameeyey hool wayn oo Jaamacadda Camuud ku leedahay ka soo horjeedka Laanta Bangiga Dhexe ee Boorama (Ex xaruntii Hannuunintii hore) iyo kuwo kale, waxaanay si kooban u xog-waraysanayeen hawlwadeennada goobahahawshu ka socoto I yo inay jiraan wax caqabad ah oo ka horyimi siday hawsha diiwaangelintu u socoto isla markaana waxay dadweynaha ku dhiiri geliyeen inay u dulqaataan wixii ay la kulmaan cqabado oo ay qaataan kaadhka codbixinta.

Waxa kaloo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland hoggaaminayaa socdaal la xidhiidha kormeerka hawsha bilowga diiwaangelinta uu ku tagay degmada Baki ee Gobolka Awdal, isagoo goobo fagaare ah kala hadlay dadka magaalada Baki iyo tuulooyinka hoos yimaada sida Ruqi oo uu ku wacyigeliyey ka qaybqaadashada diiwaangelinta. Waxa kaloo uu la kulmay odayaasha iyo qaybo ka mid ah bulshada oo ay ka wadahadleen sidii shaqada diiwaangelintan lagu qaadanayo dadweynuhu u doonaan lahaayeen si ay dadku u bixin lahaayeen codka qorshaysan sannadka dambe 2017.

Guddoomiyaha, ahna Murrashax xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo kooban ka jeediyey madal bilowga rasmiga ah ee diiwaangelinta hambalyeeyey shacabka Gobolka Awdal bilowga diiwaangelinta oo uu ku tilmaamay inay tahay mid taariikh ahi. Waxa kaloo uu uga mahadceliyey dadweynaha reer Boorama ee magaalada u jooga arrintan.“Dhawr goobood oo diiwaangelinta ah baanu soo marnay saaka, waa maalintii u horreysay oo waxay iska leedahay qarboqarbo, kuyuugu wuu dheer yahay, dhallinyarada lagu tababaray

tababarkii maanta ayuun bay bilaabeen oo waxay ka sii wanaajin doonaan shaqada berri iyo wixii ka dambeeya. Markii ay nala tahay talo ahaana Komishanka ayaanu hoos ugu sheegi ee makarafoonka ka sheegimayno,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.