X

“Madaxweyne Ha Ku Mashquulin Muddo Kordhin ee Doorashada Iyo Sidii Dalka Aad Dhibaatada Uga Saari Lahayd Ku Mashquul”

Marwo Maryan Maxamuud Dirir 16 Jan 2022, image Araweelo News Network.

Marwo Maryan Maxamuud Dirir Xsibiga mucaaradka ee WADDANI

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI ee garabka Haweenka Marwo Maryan Maxamuud Dirir, , ayaa ugu baaqday Madaxweyne Biixi inuu hoos u eeggo xaaladda dalka oo aannu ku mashquulin muddo kordhin aan suurta gelyan, balse uu ku masshquulo sidii uu dalka uga saari lahaa dhibaatada ee doorashadda Madaxtooyadda u qaban lahaa.

Marwo, Maryan, waxay sheegtay in axsaabta mucaaradku tanaasul baddan hore ugu sameeyeen Madaxweyne Biixi, iyagoo sida y sheegtay ka eegaya sidii dalka ay uga qabsoomi lahaayeen doorashooyinkii gollayaaasha deegaanka iyo wakiiladda.

Hase yeeshee, waxay xusatay in xilligan aannu hadhin tanaasul ay axsaabta mucaaradku u samaynayaan Madaxweyne Biixi, sidaa awgeed waxay usoo jeedisay Madaxweynaha inuu ka shaqeeyo sagaalka bilood ee ka hadhay muddada xilkiisa sidii doorashada Madaxtooyadu xilligeeda ugu qabsoomi lahayd.

Dhinaca kale, waxay xoghayaha guud ee garabka Haweenka Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Marwo Maryan sheegtay in muddadii Madaxweyne Biixi dalka maamulayay dhibaatooyin baddan iyo hoos u dhac ku yimi, sidaa awgeed ay lagama maarmaan tahay in uu Madaxweynuhu eeggo xaaladdaha iyo duruuraha dalka ka jira iyo kuwa ka taagan dalalka ay Somaliland jaarka yihiin.

Muuqaalkan ka Daawo Xogahayaha Guud ee Garabka Haweenka WADDANI oo ka hadlay arrimahaa.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post