Araweelo News Network
Djibouti(ANN)Madaxweynaha dalka Jabuuti Mr. Ismaaciil Cumar Geelle oo markii afaraad ku guulaystay in xilkaas loo doorto, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in shacabka reer Jabuuti markale isaga u doortaan madaxtinimada dalkiisa maalintii Jimcaha, iyagoo musharraxiinta axsaabta mucaaradka ee la tartamayeyna cabasho xooggan ka muujiyey natiijada doorashada oo lagu dhawaaqay shalay.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jabuuti oo natiijada doorashada madaxtinimada subaxnimadii hore ee shalay, ayaa sheegtay in uu Geelle ku guuleystay 86.68% codadka doorashadii ka dhacday dalkaas maalintii Jimcaha.
Madaxweyne Geelle oo xukumayey Jabuuti tan iyo sannadkii 1999-kii, ayaa hadal uu ka jeediyey TV-ga dawladda ku sheegay shalay, inuu hore kalsooni weyn ku qabay in shacabka waddankiisu dib u soo dooranayaan, waxana codadkooda ka dhiibtay tiro lagu qiyaasay 187,000 qof oo kala dooranayey lix murrashax.
“Shacabka Jabuuti waxay markale igu aamineen xafiiska ugu sarreeya Jabuuti. Waxaan si dhab ah u ogsoonahay inaad ii doorateen inaan hawlihii horumarinta ahaa ee dalka ka socday aan ka sii wado halkoodii, waanan ka sii wadi doonaa,”ayuu yidhi Ismaaciil Cumar Geelle oo 68 jir ah.
Madaxweyne Geelle waxa lagu ammaanaa horumar uu gaadhsiiyey dalkiisa oo uu ka talinayey 17 sannadood, iyadoo Jabuuti xidhiidh saaxiibtinimo oo aad u dhow la leedahay waddamada Mareykanka, Shiinaha, Japan iyo dalalka Khaliijka Carabta.
Geesta kale, murashaxa ku xiga Geelle tirada codbixinta Mr. Cumar Cilmi Khayre oo helay 7.32% codadkii la dhiibtay, ayaa si aad ah u dhaliilay natiijada doorashada madaxtinimada dalka Jabuuti ee Wasaaradda Daakhiligu ku dhawaaqday.
Murashaxa metelayey Isbahaysiga Mucaaradka Jabuuti Cumar Cilmi Khayre
Murrashax Khayre oo metelayey Isbahaysiga Mucaaradka Jabuuti (USN), waxa uu ku dooday in wakiilladoodii laga eryey goobihii dadweynuhu codadkooda ka dhiibanayeen doorashadii madaxweynenimo ee dhacday Jimcihii, isagoo sheegay inuu la amakaagay natiijada la shaaciyey, waxaannu xusay in mucaaradka culeys weyn la saaray intii doorashadu socotay
Sidoo kale, murrashaxiinta mucaaradka Jabuuti ayaa ugu baaqay xukuumadda Geelle inay habeyn ku sameyso nidaamka iyo qaabka doorashooyinku u dhacayaan, iyagoo muujiyey in aanay diidanayn natiijada doorashada ee uu mar afrkaad ku guulaystay madaxweynaha dalkaas.
“Waxaan weydiisanaynaa xukuumadda inay hagaajiso, dibna u habeyso doorashooyinka ka dhacaya Jabuuti.” Sidaa waxa yidhi Cabdiraxmaan Jaamac oo ahaa musharrax si madax-bannaan ugu tartamayey hoggaanka Jabuuti.
Natiijada codbixinta doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday dalka Jabuuti waxa ay lixda murrshax ee ku tartamayey codadka u kala heleen sidan; Madaxweyne Geelle wuxuu ku guuleystay 86.68% cod, Cumar Cilmi Kheyre wuxuu helay 7.32.%, Maxamed Muuse Tuur-tuur ayaa helay 1.53% , Ibraahim Idirs waxa uu 1.39%, Jaamac Cabdiraxmaan Candhoole oo kasbaday 0.74% iyo Maxamed Shixim Daa’uud oo helay 02.28% cod.