X
    Categories: Warar

Madaxweyne Farmaajo Oo Wejigabax Kala Kulmay Dacwad Uu Boqortooyadda Sucuudiga Uga Gudbiyay Somaliland

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo socdaalkii u horeeyay ku tegey Dalka Boqortooyadda Sucuudiga ayaa si qarsoodi ah ugu laabtay magaalada Muqdisho, kadib booqasho laba maalmood qaadatay oo uu kusoo maray Sucuudiga.

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Boqorka Dalka Sucuudiga Salman Bin Abdulaziz iyo xubno ka mid ah masuuliyiinta sare ee qoyska Boqortooyadda, waxa uu sheegay in ay ka wada hadleen sidii dawladiisa looga caawin lahaa arrimaha dib u dhiska Soomaaliya ee dhinacyada dhaqaallaha iyo soo celinta amniga.

Hase yeeshee warar shebekadda Araweelo News Network heshay oo la xidhiidha socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ee Riyadh, ayaa sheegaya in ujeedada socdaalkiisa ugu weyn ay ahayd inuu dawladda Somaliland ka gudbiyo dacwad la xidhiidha Saldhiga Millateri ee ay Somaliland siisay Dawladda Imaaraadka iyo qorshaha labaad oo ahaa inuu taageero dhaqaalle ka helo dawladda Sucuudiga.

Ila wareedyo dublamaasiyeed oo laga soo xigtay Saraakiisha Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo ku weheliyay socdaalka, ayaa sheegaya in kulan Farmaajo iyo wefdigiisu la yeesheen dhaxal-sugaha Boqortooyadda Prince Mohamed bin Salman bin Abdelaziz, Wasiirka Arrimaha Dibedda Adel Ahmed Al Jubeir iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Qoyska Boqortooyadda kala hadleen dacwad ay ku sheegayaan in Dawladda Imaaraadku heshiis Millateri oo noqonaya aqoonsi la gashay Somaliland. Sidaa awgeed ay ku doodeen in ay aarintaasi noqnay mid ka hor imanay midnimadii Soomaaliya loona baahanyahay in wax laga qabto.
Balse sida ay tibaaxeen ila wareedyadu, waxay xukuumadda Sucuudigu ku wargelisay in Sucuudiga iyo Imaaraadku ay yihiin xulufo leh hal ujeedo oo ku waajahan mandaqada, Somaliland qayb ka tahay xulufadaa, isla markaana ay iska ilaabaan arrintaa saldhiga Imaaraadka iyo Somaliland ee Berbera, balse ay ka hadlaan wixii taageero ay xukuumad ahaan u baahan yihiin in wax lagala qabto.
Madaxweyne Farmaajo iyo wefdigiisa, ayaa markaa kadib dalbaday in wax lagala qabto dhibaatooyinka dhaqaalle ee Soomaaliya iyo sidii kaalmo loo siin lahaa, iyadoo sida ay wararka arrimahaa la xidhiidha sheegayaan in Farmaajo iyo wefdigiisa la siiyay 30mly oo dollar, isla markaana dawladda Sucuudigu u balan qaaday inay wax kala qabanayso dib u dhiska Wadooyinka, Hay’addaha dawladda, kaabayaasha dhaqaallaha iyo sidii ay caawimo uga geysan lahayd Abaarta baahsan ee ka jirta Soomaaliya.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post