X
    Categories: Warar

Madaxweyne Farmaajo Oo Sheegay In Aanay Al-shabaab Ka Adkaan Karin

Araweelo News Network

President Farmajo wore a military uniform photo file

Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha dowladda Federaalka Max’med Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay shirka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe uga furmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalkii uu dhawaan ku iclaamiyay Xarakada Al Shabaab aanay aheyn mid cusub balse uu ahaa dagaal muddo toban sanadood ah socday, kaasoo uu sheegay inaan lasii wadi karin haddii aan la helin qorshe cad.

Farmaajo, ayaa  sheegay in AMISOM sanad walba hal bilyan iyo afar boqol oo Dolar ay beesha caalamku ku taageerto, xaqiiqdana ay tahay in aanay sii wadi Karin taageerada haddii aan la helin ciidamo Soomaali ah, wuxuuna  xusay Madaxweyne Farmaajo in hadda ay khaatiyaan ka taagan yihiin caalamku kharashka ay bixiyaan, waxaana dhici doonta in AMISOM inaga baxdo oo Al-shabaab iyo inagu isku hadhno inagoo kala daadsan ayuu yidhi Farmaajo.

Madaxwynaha dowlada soomaaliya ayaa ku cel celiyay wadashaqeyn dhex marta dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, waxaana uu ku baaqay in meel looga soo wada jeesto dagaalka dalka lagaga xoreynayo al-shabaab.wuxuuna carabka ku dhuftay in madaxda ku shirsan magaalada muqdisho ay kulankooda diirada ku saari doonaan habdhiska is ku dhafka ciidamada

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheyneysa guluf dagaal oo xooggan oo ay dalka kaga saareyso Xarakada Al-shabaab.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post