X
    Categories: Warar

Madaxweyne Farmaajo Oo Magcaabay Ra”iisal l Wasaare Qurba-jooga

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo,ayaa xilka Ra,iisal Wasaare u Magcaabay Nin qurba-jooga ah. Kaddib markii shalay la caleemo saaray, ayaa maanta magacaabay ra’iisul wasaare cusub.
Ra’iisul wasaaraha la magacaabay, Xasan Cali Kheyre oo ah Nin qurbaha Ka yimi waxaa laga sugayaa inuu hortago labada aqalak ee baarlamaanka Soomaaliya si ay u ansixiyaan.
Sidoo kale waxaa laga sugayaa inuu la yimaado barnaamij siyaasadeed waafaqsan midka madaxweyne Farmaajo.

“Sidoo kale wuxuu u baahan yahay inuu taageero ka helo shacabka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Muqdisho”, sida uu sheegayo Cabduqadir Xaaji Maxamud Dhaqane oo ka faallooda arrimaha siyaasadda

“Jagada ra’iisul wasaaraha waa mid muhiim ah oo ugu sareysa golaha fulinta ee dowladda. Wuxuu qabanayaa inta badan howlaha dowladda horyaalla”, ayuu sheegay Dhaqane.
Ra’iisul wasaaraha la magacaabay, Xasan Cali Kheyre, haddii uu helo taageerada baarlamaanka, wuxuu billaabi doonaa inuu soo dhiso golaha wasiirada.
Golahaasi waxay ku saleysnaandoonaa awood qeybsiga 4-5 ee ah sida beelaha Soomaaliya ay awoodda siyaasadda ku qeybsadaan.

“Waxaa laga sugayaa dowlad farsamo yaqaan ah oo howl qaban karta. Waxaa fiican in xukuumadda bannaanka laga keeno”, ayuu yiri Dhaqane, oo siyaasadda ka faallooda.
Xukuumadda la soo dhisidoono waxay wajeheysaa caqabado dhanka amniga ah. Dhaqane wuxuu sheegayaa in golaha wasiirtada ee la soo dhisidoono ay wanaagsan tahay inay si wadajir ah u wajahaan dhibaatooyiinka dhanka amniga.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post