X
    Categories: Warar

Madaxweyne Farmaajo Oo Guddi Baadhitaan U Saaray Isku Dhac Khasaare Sababay Oo Dhexmaray Ciidamada Dawladda

Araweelo News Network

President Farmajo wore a military uniform photo file

President Farmajo wore a military uniform photo file

Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ammar ku bixiyay in baadhitaan lagu sameeyo sababta keentey isku-dhac sababay dhimasho iyo dhaawac oo shalay dhexmaray ciidamo dowladda ka wada tirsan.

Saraakiil ka tirsan Dawladda Soomaaliya, ayaa laga soo xigtay in Madaxweyne Farmaajo ammar ku siiyay saraakiisha Ciidamadda in la baadho sababta keentay dhacdadaa.

Labada ciidan ee isku dhacay, ayaa qaarkood ahaayeen kuwo ka tisran illaalada Madaxtooyadda Villa Somalia, halka kuwa kale ahaayeen koox ka tirsan ciidan dhowaan laga sameeyay Muqdisho oo loo bixiyay Ciidanka xasilinta Caasimadda, waxaana isku dhacaa ku dhintey 5 Askari, kuwaas oo midkood ahaa taliye ku xigeenkii ciidamada nabad suggida gobolka Banaadir Ciise Jiijiile.

Arrinta isku dhaca labada ciidan, ayaa lagaga hadlay shirkii Guddida Amniga Qaranka oo uu guddoomiyey Madaxweyne Farmaajo, waxaana baadhista arrintaa loo saaray guddi xaqiiqo raadin ah oo uu guddoomiye ka yahay Taliyaha Booliiska Soomaaliya Jeneraal Cabdixakiim Daahir Siciid (Saacid), iyadoo ay guddidaa xubno ka yihiin wasiirka Amniga, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Taliyeyaasha nabad suggida iyo ciidamadda dawladda Federaalka.

Qodobka ugu muhiimsan ee baadhitaanka laga bilaabayo ayaa ah in dib loo daawado muuqaaladii ay duubtay kaamirada qarsoon, ama CCTV ee ku xidhan goobta uu ka dhacday isku dhaca labada ciidan oo ah Tiyaatarka agtiisa, taas oo sida ay sheegeen saraakiisha ciidanku fududaynay in la ogaado labada dhinac kii rasaasta bilaabay.
Ciidamadda dhowaan la sameeyay ee loo bixiyay Xasilinta Magaalada, ayaa marar badan la kulmo iska cabin kaga timaada kooxo malayshiyaad ah iyo ciidamo kale oo kuwa dawladda ka tirsan, kuwaas oo diida in ay hubka ay sitaan dhigaan, isla markaana bilaaba in ay iska difaaca ciidanka xasilinta magaalada Muqdisho, waxayna dhacdooyinkaasi sababaan khasaare dhimasho iyo dhaawac oo aan ka madhnayn dhibaato soo gaadha dad rayid ah oo ka dhow goobaha ay ka dhacaan isku dhacyadu.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post