X
    Categories: Warar

Madaxweyne Farmaajo Muxuu Ka Yidhi Dhibaatooyinka Soomaaliya, Siyaasadiisa Ku Waajahan Dalalka Jaarka Ee Somaliland Ku Jirto, AMISOM Iyo Al-shabaab

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN) Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maanta lagu caleemo saaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa ka hadlay qorshayaashiisa siyaasadeed iyo siyaasadiisa ku waajahan arrimaha ammaanka, dhaqaallaha dib u dhiska dalka xidhiidhka dalalka jaarka.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay qorshihiisa ku waajahan Al-shabaab, isagoo sheegay inuu ugu baaqayo inay ka qayb qaataan dib u dhiska dalka Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaaliya caqabado waaweyn wajahayso oo u baahan in wax laga qabto.
Madaxweyne Farmaajo, wuxuu arrimahaa iyo kuwo kale kaga hadlay khudbad uu ka jeediyay xafladda caleemo saarka oo ay kasoo qaybgaleen hoggaamiyayasha mandaqada geeska Afrika qaarkood iyo Dublamaasiyiin shisheeye.

Wuxuuna isagoo ka hadlaya mashaakilka horyaala yidhi, “Caqabada ugu waaweyn waxaa ka mid ah, amni xumo baahsan, Abaaraha dalka ka jira, dhameystirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed, xoojinta sareynta sharciga iyo nidhaamka cadaaladda, dib u soo celinta kalsoonida ay shacabka ku qabaan dowladda, yareynta Faqriga iyo saboolnimada, kobcinta dhaqaallaha iyo kordhinta dakhliga dowladda, jiheynta murruqa iyo maskaxda dhallinyaradda, xoojinta iyo tayeynta haykalka dowladnimo, xoojinta tayeynta nidaamka federaalka, iyo siyaasadda arrimaha dibadda oo ku dhisan is kaashi iyo ixtiraam.”
Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlaya arrimaha Amni xumada, wuxuu sheegay in dalka ay ka jirto amni xumo baahday oo u baahan in si adag wax looga qabto, isagoo yidhi,”Waxaan shacabka u cadeynayaa in waxa la qaban karo ay koobnaan doonaan, maadaama itaalka iyo dhaqaalaha dowladda aanay xooganeyn, sababtoo ah dhibaatooyiinka jiraa waxay soo taagaanaayeen 26-sano oo collaad iyo Abaaro ah. In ka badan 20 sano oo kale ayaan u baahan nahay si aan uga soo kabanno, waxaan u baahanyahay in Shacabku iga caawiyaan dhibaatooyiinka inaga haysta arrimaha aasaasiga ah sidii aan wax uga qaban lahayn Afarta sano ee soo socota”.

Madaxweyne Farmaajo, wuxuu sheegay inuu xoogga saarayo tayeynta ciidanka qalabka sida iyo kuwa amniga gudaha, isagoo yidhi,”Waxaan hubin doonaa in ciidamadeena geesiyaasha ah ay helaan mushaarkooda, qalabkooda iyo xarumo iyo tababar,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Mar uu ka hadlayay ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya wuxuu yidhi, “AMISOM ciidamadda nagala jooga, howl wanaagsan ayey qabteen. Waxay naf iyo maalba u hureen Soomaaliya, way mahadsan yihiin, waxay garab nagu siiyeen dib u yagleelidda ciidamadeena, hadafkaasna intiisa badan wuu dhaqan galay”.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay arrimaha Argagixisada, wuxuu ugu baaqay Alshabaab in ay dagaalka joojiyaan oo ay ka qeybgalaan dib u dhsika dalka, isagoo yidhi,”Umadda Soomaaliyeed ma hor istaagi kartaan. waxaan idiin sheegayaa in Soomaali ay isku duuban tahay, Waxaan idiin sheegeynaa in maanta laga billaabo aydaan dhinbaateyn dadka Soomaaliyeed, kuwa u shaqeeya Al-qacida iyo daacish, waxaan idiin sheegeynaa in laga soo gudbay waqtigii dadka ay qeybsanayeen.

Fursad ayaad haysataan maanta ee dadkiina ku soo biira, diyaar waxaan u nahay inaan idiin ku soo dhoweyno gacmo furan, haddii aad diidaan, Soomaali oo dhan kama hor imaan kartaan” ayuu yidhi.
Sidoo kale, wuxuu ka hadlay arrimaha musuqmaasuqa oo uu sheegay inuu dishooday Soomaaliya, shaqo la’aanta iyo Abaaraha soo noq noqda ee Soomaaliya oo u baahan qorshe, isagoo yidhi,”waxaa dalka aafeeyay Abaaro, dad iyo duunyaba baabi’iyay. Waxaan aragnaa muuqaallada xoolaha la’anaya, dhibaatada muuqataa waa mid xanuun badan”, ayuu yidhi.

Madaxweynaha Soomaaliya, waxa kale oo uu ka hadlay aragtidiisa Jamhuriyadda Somaliland, isagoo arrintaa ka hadlaya, wuxuu yidhi, “Wadahadalka dowladda federaalka iyo walaaleheen Somaliland waxay ahayd tallaaabo wanaagsan oo horey loo qaaday, waan sii wadeynaa wadahadallada Somaliland lala lahaa si aan uga midha dhalino “, ayuu yidhi Farmaajo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post