X
    Categories: Warar

Madaxweyne Donald Trump Oo Ku Guuldarraystay Xayiraaddii Socdaalka Ee Dalalka Muslinka

Araweelo News Network

US President Donald Trump (Photo by AFP)

Washington(ANN)- Maxkamadda racfaanka ee Dalka Mareykanka ayaa diiday in ay ogolaaato isku daygii Madaxweyne Donald Trump ee ahaa in uu soo celiyo amarkii uu dadka toddobo dal oo Muslimiin ah kaga mamnuucay in ay u safraan dalka Maraykanka.

Maxkamadda racfaanku waxay sheegtay in aanay hor istaagayn go’aankii ay maxkamadda hoose ku joojisay amarka Madaxweyne Donald Trump.

Madaxweyne Trump oo arrintaas ka jawaabaya ayaa isaga oo cadhaysan Boggiisa Twitterka ku soo qoray in ammaankii qaranku uu halis ku jiro, isla markaana, wuxuu ku hanjabay in aanu sidaa kaga hadhi doonin oo uu sharciga adeegsan doono.

Codaynta maxkamadda oo si qarsoodi ah u dhacday ayaa lagu sheegay in dawladdu aanay cadayn u keenin halista argagixiso ee ay xayiraadda socdaalka ku banaysatay, isla markaana ku doonaysay in xayiraad la saaro dadka ka imanaya Toddobada Dal ee Muslinka ah, kuwaas oo kala ah. dalalka Ciraq,Suuriya,Iran,Libya, Soomaaliya, Sudan iyo Yeman.
Go’aanka maxkamadda ayaa lagu sheegay in aan wax caddayn ah loo haynin in qof ajnabi ah oo dalalkaas ka soo jeeda uu fal argagixiso ka fuliyay gudaha Maraykanka.

Sidoo kale Maxkamaddu waxa kale oo ay diiday doodii ahayd in Madaxwaynuhu uu keligii xaq u leeyahay in uu dajiyo siyaasadaha socdaalka, taas oo ay sheegtay in anay sharciga iyo qaanuunka dalka waafaqsanayn.
Amarka madaxweynaha ayaa mamnuucayay in ay Maraykanka galaan dhammaan qaxootiga iyo dadka ka soo booqanaya toddobo dal oo Muslimiin ah, balse waxaa gaashaanka ku dhuftay Xaakin lagu magcaabo James Robart oo garsoore ka ah Seattle, Washington, kaasoo ku tilaamay go’aankaa mid aan sharciga waafaqsanayn oo aan lagu dhaqmayn, waxaana hadda guulaystay go’aankii Xaakimkaa James Robart.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post