Araweelo News Network
Washington(ANN)- Maxkamadda racfaanka ee Dalka Mareykanka ayaa diiday in ay ogolaaato isku daygii Madaxweyne Donald Trump ee ahaa in uu soo celiyo amarkii uu dadka toddobo dal oo Muslimiin ah kaga mamnuucay in ay u safraan dalka Maraykanka.Maxkamadda racfaanku waxay sheegtay in aanay hor istaagayn go’aankii ay maxkamadda hoose ku joojisay amarka Madaxweyne Donald Trump.
Madaxweyne Trump oo arrintaas ka jawaabaya ayaa isaga oo cadhaysan Boggiisa Twitterka ku soo qoray in ammaankii qaranku uu halis ku jiro, isla markaana, wuxuu ku hanjabay in aanu sidaa kaga hadhi doonin oo uu sharciga adeegsan doono.
Codaynta maxkamadda oo si qarsoodi ah u dhacday ayaa lagu sheegay in dawladdu aanay cadayn u keenin halista argagixiso ee ay xayiraadda socdaalka ku banaysatay, isla markaana ku doonaysay in xayiraad la saaro dadka ka imanaya Toddobada Dal ee Muslinka ah, kuwaas oo kala ah. dalalka Ciraq,Suuriya,Iran,Libya, Soomaaliya, Sudan iyo Yeman.
Go’aanka maxkamadda ayaa lagu sheegay in aan wax caddayn ah loo haynin in qof ajnabi ah oo dalalkaas ka soo jeeda uu fal argagixiso ka fuliyay gudaha Maraykanka.
Sidoo kale Maxkamaddu waxa kale oo ay diiday doodii ahayd in Madaxwaynuhu uu keligii xaq u leeyahay in uu dajiyo siyaasadaha socdaalka, taas oo ay sheegtay in anay sharciga iyo qaanuunka dalka waafaqsanayn.
Amarka madaxweynaha ayaa mamnuucayay in ay Maraykanka galaan dhammaan qaxootiga iyo dadka ka soo booqanaya toddobo dal oo Muslimiin ah, balse waxaa gaashaanka ku dhuftay Xaakin lagu magcaabo James Robart oo garsoore ka ah Seattle, Washington, kaasoo ku tilaamay go’aankaa mid aan sharciga waafaqsanayn oo aan lagu dhaqmayn, waxaana hadda guulaystay go’aankii Xaakimkaa James Robart.