X
    Categories: Warar

Madaxweyne Donald Trump Oo Fariin Hanjabaad Ah Soo Saaray Kaddib Guuldarradii Xayiraaddii Socdaalka

US President Donald Trump (Photo by AFP)

Araweelo News Network

Washington(ANN)- Madaxweyne Donald Trump ayaa si cad u sheegay inuu dib ula noqonayo racfaanka uu ka qaadan lahaa go’aanka maxkamaddu ay ku hor istaagtay xayiraadda socdaalka ee uu watay, wuxuuna warfidiyeenada u sheegay inuu taa bedelkeeda soo saari doono amarro dheeraad ah oo dhinaca socdaalka ah.

Madaxweyne Donald Trump , wuxuu sheegay in uu “fursado badan haysto”, isla markaana uu awaamiir kale soo saari doono todobaadka soo socda.

Donald Trump wuxuu hore u sheegay in aanu shaki kujirin in maamulkiisa uu ku guuleysan doono dagaalka ka dhanka sharciga ku saabsan xayiraadda socdaalka ee la hor istaagay.

Shir jaraa’id oo ay qabteen Madaxweyne Donald Trump iyo ra’iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe, ayuu Trump ka sheegay in tallaabada lagu soo celinayo la dedejinayo, uuna soo rogi doono todobaadka soo socda, tallaabooyiin dheeraad ah oo dhinaca Ammaanka ah.

Dhawaaqa Madaxweyne Donald Trump, ayaa soo baxay kaddib markii Qareenada Virginia ay maxkamadda u sheegayaan in sharciga Trump uu yahay mid ka dhashay naceybka uu u qabo Muslimiinta.
Khamiistii, Maxkamad racfaan ayaa sheegtay in maamulka Trump uu ku guuldareystay inuu wax cadeyn ka bixiyo sababha ay qiil ugu raadiyaan xannibaadda dadka ka imanaya Toddoba dal oo Muslin ah.
“Waxaan dooneynaa inaan dalkeena nabad ka dhigno, waxaan sameyneynaa waxkastoo lagama maarmaan ah si dalka uu amni u sii ahaado,” ayuu yidhi Mr Trump oo doonaya inuu sii wato qorshihiisa nacaybka Muslinka.

“Waxbaan si degdeg ah u sameyndoonnaa oo tallaabooyiin amni oo dheeraad ah oo ay ka mid yihiin, wax cusub ayaad Toddobaadka soo socda arki doontaan,” ayuu ku dhawaaqay, isagoo u muuqday inuu fariin hanjabaad ah dirayo.
Balse ma cadayn waxa uu ula jeedo tallaabooyiinka dheeraadka ah ee uu qaadayo, balse wuxuu hadalkaa kaga jawaabayay su’aal Weriye uu weydiiyay oo ku saabsanayd inuu qorsheynayo inuu amarro cusub soo saarayo.

Dhinaca kale kiiska Virginia, waxa uu ka mid yahay dacwooyiin kala duwan oo loo gudbiyay maxkamaddaha Federaalka ee Mareykanka, kuwaas oo lagula dagaallamayo tallaabada Madaxweyne Donald Trump uu xayiraadda socdaalka ku saaray toddobo dal oo Muslimiin ah.

Afhayeenka Xeer ilaaliyaha Virginia Mark Herring, wuxuu sheegay inay arrinta noqon karto Kiis si qoto dheer loo eegayo doodda ku saabsan saameynta xayiraadda, wuxuuna xusay in dacwadda si guud diiradda lagu saarayo xannibaadda uu Trump soo rogay, iyadoo aan la eegeyn arrinta gaarka ah ee Afarta bilood lagu xannibay qaxootiga, waxaana Garsooraha dhageysanaya dacwaddaa, magacaabay Madaxweynihii hore Bill Clinton, sanadkii 1993-dii.

Maxkamadda racfaanka ee Dalka Mareykanka ayaa diiday in ay ogolaaato isku daygii Madaxweyne Donald Trump ee ahaa in uu soo celiyo amarkii uu dadka toddobo dal oo Muslimiin ah kaga mamnuucay in ay u safraan dalka Maraykanka, waxayna arrintan noqotay mawduuc si weyn gudaha dalka Maraykanka iyo Dunida kaleba looga hadlayo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post