β€œπ•Žπ•’π•©π•’π•’π•Ÿ ku π•—π•¦π•π•šπ•Ÿ π••π• π• π•Ÿπ•’Β  π•¨π•’π•£π•–π•–π•˜π•₯𝕠 π•“π•’π•π•’π•Ÿπ•’π•’π•’π••π•œπ•šπ•š π•’π•’π•Ÿ π•€π•’π•žπ•–π•–π•ͺ𝕖π•ͺ π•¨π•’π•œπ•™π•₯π•šπ•˜π•šπ•š 𝕆𝕝𝕠𝕝𝕒𝕙𝕒 𝕖𝕖 𝕒𝕙𝕒𝕒 π•žπ•¦π•€π•™π•’π•™π•’π•£ π•œπ• π•£π••π•™π•šπ•Ÿπ•₯𝕒  …” Madaxweyne Cirro

Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Kormeeray maanta Taliska Guud Ee Ciidanka Qaranka, ayaa Sharaxay qorshihiisa ku waajahan balanqaadkii nuashahaar kordhinta ee Ciidanka Qaranka.

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah taliyaha guud ee ciidamadda Qaranka,Β  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta taliska guud ee ciidanka Qaranka iyo miiska saraakiisha.

0Madaxweynaha Qaranku waxa uu salaam ka qaatay cutub katirsan ciidanka Qaranka, waxana halkaas kusoo dhaweeyey taliyaha ciidanka Qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo saraakiisha kala duwan ee ka hawlgasha taliska guud ee ciidanka, waxa uu madaxweynuhu mid mid u kormeeray qaybaha kala duwan ee talisku ka kooban yahay, isaga oo xadhigga ka jaray dhismeyaal kala duwan oo taliska lagu soo kordhiyey.

Taliyaha Ciidanka Qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo kelmedo kooban halkaas ka jeediyey, ayaa madaxweynaha iyo xubnaha wehelinayey soo dhaweeyey, waxana uu caddeeyey inay ka talis ahaan farxad weyn u tahay inuu madaxweynuhu soo booqdo, kormeerna ku sameeyo xarunta taliska guud ee Ciidanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo khudbad miisaan leh halkaas ka jeediyey, ayaa ugu horrayn ciidanka Qaranka ugaga mahadnaqay geesinimada, naf-hurnimada iyo daacadnimada iyo Qarankooda ugu adeegayaan.

Madaxweynuhu waxa uu ciidamada iyo saraakiisha u sharraxay ujeeddada kormeerkiisa maanta iyo sida uu muhiimadda gaar ahaaneed u siinayo ciidanka, β€œWaxa aan maanta go’aansaday inaan idin dhex imaaddo si aan ugu kuurgalo xaaladdiina, dhegaysto xogta iyo warbiximaha aad jeceshihiin inaad ila wadaagtaan, islamarkaana aan indho indheeyo oo kormeero halka ay tahay inaan ka bilaabo dib u habaynta iyo dib u dhiska aan la doonayo Ciidanka Qaranka, dal kasta oo dunida kamid ah haybaddiisa, sharaftiisa iyo quruxdiisu waa ciidankiisa Qaranka,” ayuu yidhi Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu u bushaareeyey Ciidamada Qaranka inuu ka dhabaynayo ballanqaadkiisii dhinaca mushahar-kordhinta ciidanka iyo dib u habayntoodaba, culays kasta oo jirana uu fulinayo ballantiisii, waxana uu yidhi,β€œInkasta oo dhaqaalaha Somaliland uu hoos dhac ku yimi sannadihii 2022, 2023 iyo 2024-ka sababo aynu wada ognahay awgood oo ay kamid yihiin in dalku galay dagaallo, doorashooyin iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo dhaawac weyni soo gaadhay sida gubashadii WAAHEEN iyo WAJAALE, haddana waxa aan fulin doonaa mushahar-kordhintii ciidanka ee aan ballan qaaday ee ahayd Boqolkiiba laba Boqol iyo Konton muddo-xileedkayga, waxana aan kusoo saari doonaa Degreeto Madaxweyne sida ay u kordhi doonto.”

Kormeerka Madaxweynuhu ku tegay taliska guud ee Ciidanka waxa ku wehelinayey xubno kamid ah golaha wasiirrada, La-taliyaha Amniga Qaranka iyo qaar kamid ah taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee dalka.