X

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro Oo Baaq Kasoo Saaray  Kulankii U Horeeyay Ee Gollaha Wasiirrada Cusub

.

#Araweelo_News _Network

 

Hargeys(ANN) Kulankii u horeeyay ee Gollaha Xukuumadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa soo saaray Baaq ku waajahan xaaladda colaadda Bariga Somaliland.

Kulanka oo ay wadajir u guddoominayeen Madaweynaha cusub Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo ku zigeenkiisa Maxamed Cali ayaa noqonaya Fadudhigii u horeeyay ee ay yeeshaan oo ka qabsoomay qasriga Madaxgtooyada JSL.

Qoraal saxaafadeed koobban oo kulanka kaddib kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda, ayaa lagu yidhi,  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) kunankii u horeeyay ee Gollaha wasiiradda cusub wehelinaaysy Madaxweyne ku xigeenku, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 15/12/2024 Qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo ay ka soo qaybgaleen dhammaan xubnaha Gollaha Wasiirrada oo isugu jira (Wasiirro, Wasiiru-dawlayaal iyo Wasiir ku xigeenno).

Madaxweynuhu isbarasho  kaddib, waxa uu golihiisa wasiirrada cusub la wadaagay waajibaadka Qaran ee loo igmaday inay ku shaqeeyaan, waxaanu la wadaagay Barnaamijka hagaha u ah wax-qabadka xukuumadiisa, sida ku cad qorshaha Buuggga Xisbiga oo ka kooban lix Cutub (6), taas oo ay saldhig u yihiin wada-jir iyo waxqabad muuqda.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu dul istaagay arrimaha mudnaanta u leh xukuumadiisa 100 cisho ee soo socda. Madaxweynuhu waxa uu golihiisa Xasuusiyey in uu Qaranku inooga fadhiyo in aynu ugu shaqayno daacadnimo iyo hufnaan.”:

Dhinaca kale Gollaha Wasiirrada waxa loo qaybiyey Wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerka kala xadaynta Nidaamka Xukuumadda xeer No.71/2015 oo ujeedada looga bedelay qaab-dhismeedka wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-bannaan si loo waafajiyo xeerka.

Madaxweynuhu wuxuu si guud uga hadlay arrimaha nabadgelyada qaybo ka mida Gobolka Sanaag, waxaanu madaxweynuhu marlabaad ku celiyey baaq nabadgelyo, ayaa lagu yidhi qoraal saxaafadeedka uu soo saarat Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo ah Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post