X
    Categories: Warar

Madaxweyne Bixii Oo Kulan Deg-deg Ah Ugu Baaqay Axsaabta Mucaaradka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi 10 Dec 2019, Araweelo News Network.


Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu baaqay Axsaabta Qaranka Somaliland in laysugu yimaado kulan deg-deg si loo xaliyo khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka Somaliland.


Madaxweyne Biixi oo maanta ka qaybgalay munaasibad si rasmi ah loogu daah-furay mashruuc ballaadhan oo lagu hirgelinayo Aagga cashuuraha ka caaggan ee dekedda Berbera oo oo ay Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda DP World ku kala saxeexanayeen mashuuraca Cashuuraha Ka Caagan ee Dekedda Berbera (Berbera Economic Free Zone)

AKHRI: Somaliland Iyo Shirkadda Dp World Oo Kala Saxeexday Mashruuc

“Waxaynu u baahanahay Somaliland meel u wada jeeda oo dhexdooda ka tartanta, taasna waxaynu ku helaynaa iyadoo Xisbiyadeenu ka heshiiyaan khilaafaadka jira, inaynu doorasho deg-deg ah qabano waxa u baahan dalka, waxa keliya inaga hortaagani waa khilaafka dhexdeena, dib u dhaca doorashada mar walba dhexdeena khilaaf ayay abuuraysaa, waxay abuuraysaa nacayb, sababtoo ah marka qofka la doorto shan sannadood haddii uu kursiga banayn waayo kii kursiga sugayayna colaad ayuu ka qaadayaa iyo nacayb sii kordha.” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.


Sidoo kale Madaxweyne Bixii, wuxuu sheegay in dib u dhaca doorashadu uu dhaawacayo xidhiidhka Somaliland la lahayd dunida, wuxuuna isagoo arrintaa ka haldaya yidhi, “Dib u dhaca doorashadu arrimaha dibedda ayay inaga dhaawacay oo waxa la odhanayaa, “dad tashankari waayay oo doorasho ku heshiin waayay yaa la heshiinaya, sida awgeed waxaan halkan ugu baaqayaa labada guddoomiye Xisbi mucaarad inaan si deg-deg ah isugu nimaadno todobaadka soo socda horaantisa, si aanu u gorfayno sidii khilaafaadka loo dhamayn lahaa ee dalku doorasho u geli lahaa waqtiga ku haboon.” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay arrimaaha.

Maareeye-ku-xigeenka shirkadda DP World, ahna u qaybsamaha shirkadda ee Bariga dhexe iyo Afrika, Mudane Suhail Al-banna oo kulanka lagu kala saxeexanayey heshiiska lagu gudo gelayo hirgelinta Aagga cashuuraha ka caagan ee Berbera, ayaa ugu horrayn xukuumadda Somaliland iyo shacabkaba uga mahadceliyey sida kalfurnaanta, walaaltinimada iyo xamaasadda leh ee ay shirkadda ula shaqeeyaan, waxana uu caddeeyey inay shirkad ahaan ku dhammayn doonaan sida uu yahay qorshahooda ay ku dhammaynayaan wejiga koowaad ee dhismaha dekedda Berbera.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post