X
    Categories: Warar

Madaxweyne Bixii Oo Iska Diiwaangeliyay Xarunta Xisbiga Ee KULMIYE

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xarunta guud ee Xisbiga KULMIYEย ย  iska diiwaangeliyay.

Madaxweyne Biixi, wuxuu isu diiwaangeliyay si uu kaadhka ka qaybgalka shirweynaha Afraad ee xisbul-xaakimka KULMIYE u qaato, iyadoo horraanta bisha October 2020 loo qorsheeyay shirweyna Lixaad ee Xisbiga KULMIYE.

ย 

Madaxweynaha, ayaa maray nidaamka loo qorsheeyey in la mariyo cidkasta oo ka qayb-gelaysa shirweynaha xisbiga, waxana halkaas kusoo dhaweeyey xubnaha guddida qaban-qaabada shirweynaha Afraad oo hawlahoodii shaqo ku dhex jira, iyada oo xubno kale oo isugu jira hoggaanka xisbiga iyo golaha wasiirraduna ay isla maanta mareen nidaamka ay ku helayaan kaadhka ka qaybgalka shirweynaha.

ย 

Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, ayey qaban-qaabadiisu meel fiican maraysaa, waxana gebogebo ku dhaw is diiwaangelinta ergooyinka gobollada iyo degmooyinka dalka ka imanaya ee shirweynaha qaybta ka noqonaya.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post