X

Madaxweyne Biixi Oo Xeer Kasoo Saaray Qabsoomida Doorashooyinka Somaliland

Madaxweyne Biix oo Xeer kusoo saaray Qabsoomida Doorashooyinka Somaliland. 3 Feb 2021, Image File Araweelo News Network,

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa xeer Madaxweyne kusoo saaray maalinta loo cayimay doorashooyinka Somaliland ee gollayaasha wakiiladda iyo Deeggaanka.

Madaxweyne Biixi, ayaa Xeerka soo saaray kaddib markii shalay ay gollaha guurtidu soo saareen go’aan ay kaga jawaabayaan soo jeedinta Madaxweynaha ee la xidhiidhay is waafajinta muddada doorashadda iyo muddo kordhinta ay hore ugu sameeyeen gollaha wakiiladda ee xilligan fadhiya.

Xeerka Madaxweyne Biixi oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa u dhignaa sidan:-

 

Xeer Madaxweyne

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 12/022021 uu maanta ku meel mariyey Cayimaadda maalinta Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

 

Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-

 

Xeer Madaxweyne Lr. 12/022021

Cayimaadda Muddada Doorashooyinka

Markaan Arkay:  Qodobka 42aad, Faqraddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda   Somaliland;

Markaan Arkay:  Qodobka 6aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020;

Markaan Arkay: Qoraalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/002/2021, kuna taariikhaysan 16/01/2021, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Doorashada Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee 2021;

Markaan Arkay:  Go’aanka Golaha Guurtida ee summaddiisu tahay Ref: GG/JSL/KC/G-01/02/2021, kuna taariikhaysan 02/02/2021, ujeeddadiisuna tahay Go’aanka Dib-u-eegista Muddo Xileedka Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;

Waxaan Go’aamiyey;

In Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanku ay ka dhacaan Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Isniinta ah ee ku beegan 31ka Bisha May 2021.

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post