X
    Categories: Warar

Madaxweyne Biixi Oo Sheegay In shirguddoonka Baarlamaanku Aanu Xaq U Lahayn Inuu Faaqido Xubnaha Loo Magcaabay Komishanka

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi 6 Oct, 2019 Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Bixii Cabdi, ayaa ka hadlay cabashooyin ay axsaabta mucaaridku ka muujiyey xubno uu madaxweynuhu u magacaabay Komishanka doorashooyinka cusub ee dhismahoodu gebogebada yahay.


Madaxweyne Bixii oo ka hadlayay cabashadaa oo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax shalay warbaahinta ku shaaciyay, balse Madaxweyne Bixii oo maanta ka hadlayay munaasibad lagu xusayay maalinta Cuntada Aduunka oo Hargeysa lagu qabtay, ayaa tilmaamay in xubnaha uu gudbiyey ciddii awoodda u lahayd inay axadho oo ay hubiso, go’aanka ay ka qaataanna uu ku qanacsan yahay.
“Labada xisbi ee mucaaridka ahi waxa ay keeneen labadii xubnood ee sharcigu siiyey, kumaan farogelin, waayo cid baa u dambaysa sharciga oo intayadaba dib u hubinaysa, sidii ay ahayd baanan u qaatay, Guurtiduna way ii keentay, iyana kuma farogelin oo xeerkaa ah in la is ixtiraamo, awoodda joojintana ma lihiye talo ayaan leeyahay, haddaan xataa wax qoonsado waxan odhan karaa xisbiyow malaha arrintaas sharcigaasaa ku gef ah oo Baarlamaanku way kugu qabsan doonaane halkaas ka sax, midnase ma odhan, anna intii sharcigu ii oggolaa uun baan kusoo daray,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha oo ka hadlayay guddoomuayaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax iyo sida uu xubnahaa uga hadlay, ayaa yidhi, “Dadkaasna maxkamad baa la geynayaa, maxkamadduna waa Baarlamaanka, Baarlamaanka la leeyahay sharcigii aad dhigteen dadkaas lasoo naqeeyey ma waafaqsan yihiin, shirguddoonka Baarlamaanka oo qudhina ma laha arrintaase waxa leh gole weynaha, way faaqidi oo ka doodi, marka dambena cod bay u qaadi wixii ay soo celiyaanna, haddii aniga la igu soo celiyo iyo haddii xisbi lagu soo celiyoba ceeb ma ahee kuwo kale uun baa keeni oo waa la sixi, waayo sharciga ayaa sidaas oggol, haddii ay sii wada daayaanna waa awooddooda.” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post