• Dareenka Madaxweyne Biixi Kaga Falceliyay Soo Dhaweyn Aanu Filayn Oo Uu Kala Kulmay Bulshada Ceergaabo

#Araweelo_News_Network.

Ceerigaabo (ANN)-Bulshada ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku maraya gobolada Bariga Somaliland.

Kumanaan shacabka reer Ceerigaabo ah, ayaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne Biixi iyo wefdigiisa, iyadoo ay soo dhawaynta hormuud u ahaayeen hoggaanka dhaqanka, madaxda gobolka iyo kuwa degmada, islamarkaana lulaya caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland

 

Dadweynaha ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay dhinaca Koonfureed ee magaalada, waxayna madaxweynaha u gelbiyeen goob fagaare ah, halkaas oo uu bulshada  kala hadlay.

Madaxweyne Biixi ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa goobta ka jeediyay, wuzuu ugu horayn dadka ku dhaqan guud ahaan gobolka Sanaag, gaar ahaan degmada Ceerigaabo uga mahad celiyey sida meeqaamka sare ah ee ay usoo dhaweeyeen, isagoo u sharraxay muhiimadda gobolka Sanaag qaranka u leeyahay iyo sida ka xukuumad ahaan ay xilka isaga saareen in waxqabad buuxa laga hirgeliyo gobolka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka reer Ceerigaabo u sheegay inay ka go’an tahay qabashada doorashooyinku, si loo ilaaliyo midnimada ummadda, qaranka difaaciisu tahay waajib cid kasta saaran.

Muuqaalkan ka Daawo Khudbada Madaxweynaha oo dhammaystiran.

 

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com