X

Madaxweyne Biixi Oo Mar Kale U Miciya Lisanaya Mucaaradka

 

^Waa kuma Xisbiga odhan kara dhibaatooyinkii dhacay baan difaacay, lugtaan jiiday mooyee”  Madaxweyne Biixi.

Ku akhri 1min, ama daawo

#Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Farriimo uu ku hujuumayo Mucaaradka u mariyay warbaahinta, isagoo u muciya lisanaya iuu mar kale ka guulaysto marka la gaadho Tartanka Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Ururada Siyaasadda ee la muddeeyay 13 November 2024.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay kulan uu Magaaladda caasimadda ee Hargeysa ku yeeshay xisbigiisu Khamiistii, wuxuu ka hadlay xisbiyada ay ku tartamayaan dooraashada.

“Xisbi walba sidii uu u dhaqmay shacabka ayaa xukumi doona, ninkii u xiiray, kii u hool-hoolay, kii hagardaameeyey iyo kii u hagar baxay shacabka ayaa qiimayn doona, KULMIYE-na waxa uu ku kalsoon yahay intii uu xukunka hayey ee 2010-kii ilaa iyo maanta inuu ku guulaysan doono doorashan iyo ta soo socotaba” ayuu yidhi.

Dhibaatooyinka dalka ka dhacay intii uu xilka hayay ayuu si duur-xul ah dusha ugu saaray Mucaaradka, isagoo ku faannaya in Xisbigiisu yahay mid usoo halgamay dalka. “KULMIYE yaa ku dherersan kara, waa kuma xisbiga leh waan soo halgamay oo xorriyaddii baan wax ku lahaa, wa ayo xisbiga odhan kara dhibaatooyinkii dhacay baan difaac ka galay lugtaan jiiday mooyee,” ayuu yidhi, Madaxweyne Muuse Biixi oo hadalkiisu u muuqday mid ku waajahan wixii ka dhacay Laascaamood ee huqda ku keentay Qaranka uu hoggaamiyaha u yahay.

Muuqaalkan ka Daawo

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post