X

Madaxweyne Biixi Oo Koobka Gobollada Jamhuuriyadda Somaliland Guddoonsiiyay Xulka Daad-madheedh

Madaxweyne Biixi Oo Koobka Gobollada Jamhuuriyadda Somaliland Gudoonsiiyay Xulka Daad-madheedh 16 November 2020, Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo gunaannaday tartanka kubbadda cagta gobollada Somaliland oo maanta lagu soo gebogebeeyey garoonka Hargeysa Stadium, kaas oo ay ku guulaysteen koobkii xulkii ka socday gobolka Daad-madheedh.

Tartanka oo ay ka qaybgaleen kooxo ka socday gobollada Somaliland, waxaa isugu soo hadhay labada kooxeed ee Maroodi-jeex iyo Daad-madheedh oo galabta ku kala badiyay laba gool iyo hal gool oo guushu ku raacday Daad-madheedh, walaw mudadii ciyaaruhu socdeen ay dhaceen gacan ka hadal iyo rabshado sababay in kooxda Ciyaartoyga Hawd laga ganaaxo Ciyaaraha shan sannadood, halka kooxda Ciyaartoyga Togdheer khilaaf gudahooda ah loo ganaaxay inay tartanka ka maqnaadaan muddo Afar sannadood ah.

Sidoo kale, waxa jiray ciyaartooy si gaar ah loo ganaaxay iyo tababarayaal lala xidhiidhayay intii tartanku socday inay sameeyeen khaladaad.

Balse gebagebadii maanta Ciyaarta oo ay ka qaybgaleen Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyaha ciidanka Booliska, madaxda gobollada Maroodi-jeex iyo Daad-madheedh, xildhibaanno, asxaabta xisbiyada qaar ka mida, siyaasiyiin iyo marti-sharaf kale, ayaa daawashada ciyaarta kaga qayb-galay garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa Stadium oo ay ku sugnaayeen kumannaan katirsan taageerayaasha gobollada Daad-madheedh iyo Maroodi-jeex, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay xamaasad taageerenimo.

 

Ciyaartan oo xamaasad iyo xiise gaar ah lahayd, islamarkaana ay taageerayaashii daawanayey u qushuuceen, ayaa kusoo dhammaatay laba gool oo ay la yimaaddeen xulkii ku ciyaarayey gobolka Daad-madheedh iyo hal gool oo ay dhaliyeen xulkii ku ciyaarayey gobolka Maroodi-jeex, waxana markii ay soo dhammaatay hadallo hambalyeeyey gobolka guulaystay iyo midka kaalinta labaad galay ujeediyey masuuliyiintii kala duwanayd ee goobtaas ku sugnayd.

Ugu horrayn wasiirrada wasaaradaha Dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo arrimaha gudaha, Mudane Boos Mire Maxamed iyo Maxamed Kaahin Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa hambalyeeyey kooxda guulaysatay, iyaga oo xulka kaalinta labaad galayna ku bogaadiyey dedaalka ay sameeyeen, iyaga oo sidoo kalena ammaanay ciidanka Booliska iyo cid kasta oo gacan ka geysatay inuu tartankani nabadgelyo ku qabsoomo.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambalyo uu u diray kooxda guulaysatay iyo midda kaalinta labaad gashay kaddib, waxa uu si guud u bogaadiyey dhallinyarada reer Somaliland, isaga oo mid mid carrabka ugu ballaadhiyey faa’iidooyinka kala duwan ee laga dhaxlo ciyaaraha, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxan u hambalyeynayaa dhammaan dhallinyarada Somaliland meel ay joogaanba, mid ciyaarayey, mid taageere ahaa iyo mid qaban-qaabiye ahaa, waxaynu baranay ciyaaruhu sida ay dadka isu dhexgeliyaan, waxaynu baranay sida nabadda u dhaliyaan, waxaynu baranay sida loogu firfircoonaada oo qaadka iyo balwadaha loogaga dheeraado, waxana aynu bilaabaynaa inay magaalooyinka waaweyn oo dhammi bilaabaan in sannadka oo dhan la ciyaaro oo aanay ciyaaruhu joogsan.”

 

Intaa ka dib, waxa uu madaxweynuhu koobkii ay ku guulaysteen guddoonsiiyey xulka kubbadda cagta ee gobolka Daad-madheedh, isaga oo sidoo kalena billadihii ay mutaysteen ciyaaryahannadii intii tartanku socday goolashii ugu badnaa dhaliyey, kuwii akhlaa-wanaagga iyo ciyaar-wanaagga la yimi, garsooreyaashii dedaalka dheeriga ah la yimi, tababarihii ugu wanaagsanaa tartankan, qaar kamid ah madaxdii ku dedaashay qabsoomidda  tartankan, qaar kamid ah shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta, dawladda hoose ee Hargeysa iyo hoggaanka ciidanka Booliska, waxana halkaas kusoo dhammaaday tartankii koobka kubbadda cagta oo muddo  labaatan maalmood ah soo socday.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post