#Araweelo_News_Network.

 

Hargysa (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah murrashaxa jagada Madaxweynaah ee xisbiga KULMIYE,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo lagu shaaciyay Barnaamij-siyaasadeedka Afraad ee xisbiga KULMIYE ee 204- 2029, kaas oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Munaasibadda oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, xubno kamid ah gollaha wasiirrada, xildhibaanno, saraakiil ka tirsan guddida fulinta xisbiga KULMIYE, haween, dhallinyaro, aqoonyahan iyo marti-sharaf kale, waxa lagu lafo-guray barnaamij-siyaasadeedka Afraad ee KULMIYE ugu talo galay inuu ku galo doorashooyinka dhammaadka sannadkan qorshaysan ee 13 November 2024.

Daahfurka munaasibadda waxa ugu horayn ka hadlay guddoomiyaha guddida soo diyaarisay Barnaamij-siyaasadeeda KULMIYE oo ay kamid yihiin guddoomiye Cabdiweli Suufi iyo Farxaan Aadan Haybe, kuwaas oo si qoto dheer u sharraxay meelaha uu Barnaamijkani sida gaarka ah diiradda u saarayo.

Guddida ayaa sheegay in Barnaamijku ka kooban yahay lix tiir oo waaweyn oo kala ah: Arrimaha dibadda, Amniga gudaha iyo dibadda, Dhaqaalaha, wax-soo- saarka, Xoolaha, Beeraha iyo Kalluumaysiga, Adeegyada Arrimaha Bulshada iyo ku dhaqanka Diinta Islaamka, Horumarinta Dawladnimada iyo adkaynta Dimuqraaddiyadda Maareynta Deegaanka iyo isbeddelka cimilada.

Xubno kamid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE oo ay kamid yihiin guddoomiyaha KULMIYE,  Maxamed Kaahin Axmed, guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga, Cabdicasiis Maxamed Samaale, ku-xigeenka saddexaad, ahna murrashaxa jagada madaxweyne-ku-xigeenka saddexaad,  Maxamuud Xasan Sacad Saajin iyo xoghayaha guud, Faysal Cabdiraxmaan Madar oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa dhankooda bogaadiyay barnaamij siyaasadeedka cusub ee xisbigu ku gelayo doorashooyinka soo socda, waxana ay bulshada ugu baaqeen in wixii lagu dooran lahaa ay badka keeneen.

Wasiirrada wasaaradaha xannaanada xoollaha, Deegaanka horumarinta caafimaadka,  Siciid Sulub Maxamed iyo, Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, ayaa dhankooda jawaabo adag ka bixiyey hadallo maalmahanba ka imanayey madaxda xisbiga WADDANI, waxana ay adkeeyeen inay wataan murrashaxiin shirraban oo bulshadu kalsooni badan ku qabto.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland,  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa barnaamij-siyaasadeedka cusub ee xisbiga soo dhaweeyey, waxana uu u mahadnaqay xubnihii soo diyaariyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo afmeeray, ayaa bogaadiyey guddida gacanta ku haysay Barnaamijka maanta la shaaciyay, isagoo ku sifeeyey mid ay bulshadu ku go’aan qaadan karto.