X
    Categories: Warar

Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka Asluubnta General Cabdiraxmaan Fooxle Oo Geeriyooday

Hargeysa(ANN)-Marxuum Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo ahaa Taliye ku xigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Somaliland xilligana ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta, ayaa maanta lagu aasay magaalada Hargeysa.

Sareeyo Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle)

Maruuxmka oo xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, waxa ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo tlmaamay doorkii uu kasoo qaatay dhismaha qaranka.
Dahnbaalka rtacsida ah ayaa lagu yidhi, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, gaar ahaan ciidanka Asluubta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sareeye Guuto Marxuum Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 25/05/2020, caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey mujaahid hawlkar ah oo qaranka tacab badan geliyey, aqoon dheeraadana u lahaa hab-maamulka ciidamada, kana mid ahaa saraakiishii qaybta weyn ka qaatay aas-aaska ciidanka qaranka Somaliland oo uu markii danbena ka soo qabtay xilal kala duwan, intaanu uga wareegin ciidanka booliska oo uu ka gaadhay taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland oo uu muddo dheer ahaa, balse sannadkii 2019kii ayaa mar kale loo bedelay taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland oo uu ilaa hadda ahaa.
Marxuumku waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ka dhiidhiyey kana dagaalamay xasuuqii Keligii taliyihii macagaga ahaa ee Siyaad Barre sideetamaadkii ku hayey shacbiga Somaliland oo uu ka talaabay isagoo ah gashaanle sare kuna biiray ciidankii SNM ee dhaliyey dib ula soo noqoshadii xornimada madax-bannaanida Somaliland.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post