X
    Categories: Warar

Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Muranka Iyo Doodaha Ka Taagan War-murtoyeedka Shirka Djibouti

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Bixii Cabdi, ayaa ka hadlay mid ka mid ah qodobada dooda iyo xiisada abuuray ee ku jiray war-murtiyeedka ay shirkaa kasoo saartay Xukuumadda Djibouti.

Madaxweyne Biixi oo xalay hadal ka jeediyay Xuska Munaasibada sannad-guuradii 60aad ee kasoo wareegtay maalinta xoriyadda Somaliland 26 Jun 1960-kii,  oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, wuxuu sheegay in qodobada ka hadlaya Is-dhexgalka uu ku xidhan yahay shuruud, wuxuuna si gaar ah usoo qaatay Ciyaaraha, Fanka iyo dhaqanka.

“Kooxda kubadda cagta ee Soomaliland haddii ay nqooto in ay tagaan Koonfur, waa in ay tagaan iyagoo sita Baasaboorka Somaliland oo sita calanka Somaliland iyo magaca Somaliland ku ciyaaraya, koox fannaaniin ah haddii ay tagayaan waa in ay ku tagaan Basaboorka Somaliland, calanka Somaliland iyo magaca Somaliland, dal ku gal ayayna ku tegayaan”, ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in dadka caadiga ah ay iyagu iskood u tegi karaan, balse dadka aan intaa ahayn ay ku tegeyaan Fiise, ayay Muqdisho siinay, wuxuu sheegay in haddii taas la waayo aannay soconayn, maadaama sida uu sheegay ay Muqdisho u aragto Somaliland gobolada Woqooyi. Sidaa awgeed waxaan leeyahay Tab-hayoow lagaa tab-hayee. Ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post