X
    Categories: Warar

Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Maqnaanshaha Axmed Siilaanyo Ee Shirweynaha Afraad Ee  Xisbiga KULMIYE  

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi oo Shirweynaha Afraad ee xisbiga oo si rasmi ah uga furmay Hargeysa 4 October 2020, Araweelo News Network.

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay  shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE  oo maanta ka furmay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo muddo saddex maalmood ah socon doona, ayaa waxa kasoo xaadiray  1,122 (Kun, Boqol iyo laba iyo labaatan) Ergey oo ka kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka oo ay hormuud u yihiin madaxweynaha, ku-xigeenka iyo xubnaha kale ee hoggaanka KULMIYE, guddoomiyaha golaha wakiillada  iyo ku-xigeenkiisa oo kamid ah xisbiga,  wufuud kala duwan oo ka kala socota dalalka Taiwan, Jabuuti iyo  Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, xubno ka socday axsaabta mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID, madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

Ugu horrayn waxa uu shirweynuhu doortay Afar xubnood  oo noqon doona shir-guddoonka shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, kuwaas oo shirka hagi doona muddada uu socdo, kuna dabbaqi doona ajandaha guud ee shirweynaha horyaalla, waxana ay xubnahaasi kala yihiin, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), Mudane Cali Maxamed Cali (Cali Cali-yow), Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Faysal Cumar Madar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha  xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE si rasmi ah u daah-furay, ayaa madasha ka jeediyey khudbad ballaadhan oo dhinacyo kala duwan taabanaysa, taas oo uu inteeda badan diiradda ku saaray  guulihii kala dambeeyey uu xisbiga KULMIYE qaranka Somaliland gaadhsiiyey muddadii uu caynaanka hayey, isagoo caddeeyey in xukuumaddihii kala dambeeyey ee xisbiga ka dhashay ay muhiimad gaar ah siiyeen sinnaanta muwaadiniinta, ilaalinta qarannimada, ilaalinta iyo adkaynta shuruucda dalka, ilaalinta amniga, daryeelka shaqaalaha dawladda, dhismeyaasha kaabayaasha dhaqaalaha, hirgelinta dawlad-wanaagga, kor u qaadista iyo tayeynta tacliinta iyo sidii ay xuquuqdooda u heli lahaayeen haweenka iyo bulshada nugulka ahi.

Madaxweynuhu waxa uu khudbaddiisa ku xusay madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Aas-aasihii xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu ku tilmaamay rug-caddaa siyaasi ah oo dalka iyo dadkaba in badan usoo shaqeeyey,  bulshadiisana wax badan u dhiteeyey, balse sababo caafimaad uga maqnaaday shirweynaha Afraad ee KULMIYE.

Sidoo kale, Madaxweyne Biixi, wuxuu  u mahadnaqay madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaacii (Saylici) oo isagu dhawaan shaaciyey inuu ka tanaasulay Kursiga guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga oo uu  hore ugu talagalay inuu u tartamo, waxana uu go’aankaas ku tilmaamay mid taariikhi ah oo tudhaale u ah bahweynta xisbiga iyo guud ahaanba Somaliland.

 

Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, ayaa socon doona labada maalmood ee foodda inagu soo haya, waxana qorshuhu yahay in lagu soo doorto hoggaankii xisbiga hoggaamin lahaa muddo-xileedka soo socota, iyada oo sidoo kale lagu gorfayn doono  arrimo muhiim ah oo ajandaha shirka kamid ah.

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post