X
    Categories: Warar

Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Geerida Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Qoyska Marxuum Cali Sandule

Marxuum Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) Photo File, Araweelo News Network.

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Wasiirkii hore ee Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, Marxuum Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule), ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.
Geerida Marxuum Cali Sandule, waxaa ka hadlay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo dhanbaal Tacsi ah u diray Bulshada Somaliland,, Waxgaradka, Aqoonyahanka iyo dhammaan ehelada qoyska ee Marxuumku ka baxay.
Dhanbaalka Tacsida ayaa u qornaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, siyaasiyiinta dalka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 12/09/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa’ ayaa lagu yidhi qoraalka Tacsida ah.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi door muhiima kasoo qaatay dib-u-dhiskii dalka iyo nabadaynta shacbiga Somaliland, isagoo xilal muhiima oo kala duwan ka soo qabtay qaranka.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, siyaasiyiinta dalka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Dhinaca kale, Marxuumka, ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay Xukuumaddihii Daahir Rayaale iyo Axmed Siilaanyo, isagoo noqday Badhasaabkii ugu saamaynta badnaa gobolka Sool xilligii ay Somaliland iyo maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland isku haysteen gobolkaa, sidoo kale, wuxuu noqday Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta xukuumaddii Daahir Rayaale, iyadoo markaa kaddib Xukuumaddii Axmed Siilaanyo uu soo qabtay Xilalka Wasiiru-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta Gobollada Bari ee Somaliland iyo Wasiirka Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Somaliland oo noqday xilli danbe.
Marxuumka, ayaa kasoo qaybqaatay nabadaynta iyo dib u dhiska dalka Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuuna ahaa siyaasi aad loo ixtiraamo oo ku adag mabada’iisa iyo mawqifka uu aaminsanyahay.
Xildhibaan Cabduqaadir Maxamed Xasan (Indho Indho) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida, ayaa u sheegay Shebekaddaha Araweelo News Network in maalinta Beri marxuumka Aas qaran loo samaynayo, isla markaana lagu aasayo Marxuum Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) Magaalada Hargeysa 13 Sep 2020, wuxuuna tacsi u diray qoyski, ehelkii, axaabtii iyo Bulshada Somaliland, isagoo marxuumkana Allah uga baryay inuu janooyinkiisa ugu deeqo.
Bahda Shebekaddaha Araweelo News Network, waxay tacsi taas la mid ah u dirayaan qoyskii, ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan shacbiga Somaliland, waxayna markuumka Allah ugu baryayaan inuu naxariistiisa ugu deeqo.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post