X

Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Geerida Madaxii Baratakoolka Ee Xukuumadddii Siilaanyo

Araweelo News Network.

 Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim (Saqadhi), wuxuu xilligan Ka mid Ahaa Gollaha Dhexe Ee Xisbiga KULMIYE

 

Hargeysa(ANN)-Madaxii hore ee Baratakoolka Madaxtooyadda Somaliland ee xilligii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ku geeriyooday Hargeysa.

Allah haw naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim (Saqadhi), ayaa xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa oo maanta lagu aasay Marxuumka.

Madaxtooyadda Somaliland, ayaa ka hadashay geerida Madaxii hore ee Baratakoolka.

Dahnbaal tacsi ah oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda, wuxuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi,ku yidhi, sidan:-

 

“Annigoo ku hadlaya magacayga, dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan dhammbaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland.”

 

Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida ku timi  Allah ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim (Saqadhi) oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 28/02/2021 Caasimada Hargeysa, laguna aasay.” ayaa lagu yidhi dhanbaalka tacsida ah.

 

 

 

Madaxweyne Biixi, wuxuu marxuumka ku sifeeyey  inuu ahaa Oday ka baxay dalka iyo dadka oo door muhiimana ku lahaa dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Marxuumku xilal kala duwana ka soo qabtay xukuumaddihii kala danbeeyey, wakhti xaadirkana ka mid ahaa xubnaha golahla dhexe ee xisbiga Kulmiye.

 

 

Madaxweynuhu, wuxuu Allah uga baryayay inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post