X
    Categories: Warar

Madaxweyne Biixi Oo  Isku Bedel Iyo Magcaabis Ku Sameeyay  Masuuliyiinta Dhawr Gobol

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa isku shaandhayn iyo xil-ka qaadis iyo Magcaabis ku sameeyay dhawr Badhasaab, sidaana waxa lagu shaaciyay wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebeladda Araweelo News Network.

“Wareegtada Madaxweynaha ayaa u dhignayd sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-530/062020 iyo JSL/XM/WM/222-531/062020, uu xilalkii kaga qaaday kuwa kalena ugu magacaabay gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka qaar ka mida, sidoo kalena uu ku sameeyey bedel.

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinkaasi Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ku: Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim;
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hawd

Ku: Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse;
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

1. Maxamed Axmed Caalin Yuusuf Guddoomiyaha Gobolka Awdal.

2. Axmed Cismaan Xasan Cilmi Guddoomiyaha Gobolka Sanaag

3. Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyaha Gobolka Saaxil.

4. Axmed Cige Maxamed Geeddi Guddoomiyaha Gobolka Hawd.

5. Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye Guddoomiyaha Gobolka Gabiley.

6. Maxamed Cismaan Xaaji Axmed Guddoomiyaha Gobolka Saraar

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.

Nasir Yusuf Dahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post