X
    Categories: Warar

Madaxweyne Biixi Oo Ishaaray Nabadda Ceel-Afweyn

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi 6 Oct, 2019 Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa nabadda deegaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

Madaxweyne Biixi, sheegay in lasoo af-jaray Collaada deegaanka Ceel-afweyn, taas oo uu sheegay in maanta rajadii ugu wanaagsanayd laga qabo sidii loo soo af-jari lahaa colaadda daba dheeraatay oo sida uu ka dhawaajiyay marar badan Madaxweynuhu sheegay in ay qaranka ku ahayd dhiig-bax.


Madaxweynaha Somaliland, Muuse Bixii, wuxuu sidaa ka sheegay mar uu hadal ka jeediyay Qasriga Madaxtooyadda, kadib kulan dheer oo dhinacyada ay collaadu ka dhaxaysay la yeesheen isaga iyo xubno golaha Wasiiradda ah.


Kulankaa oo lagaga hadlay sidii xaalada collaada ee mudada dheer ka taagnayd deegaanka Ceel-afweyn oo si weyn saamayn ugu yeelatay nabadgelyada guud ee gobolka Sanaag iyo ta qarankaba looga gaadhi lahaa heshiis waara, maadaama ay dhinacyada ay Collaadu ka dhaxaysaa si weyn u dareemeen dhibaatada collaada soo noq-noqtay ee ragaadisay, isla markaana galaafatay nolosha dad badan oo aan waxba galabsan, kumanaan kalena saamayn ku yeelatay noloshooda, Caafimaadkooda, waxbarashadooda iyo xasiloonida ay ku noolaayeen collaada ka hor.


, Madaxweyne Muuse Biixi iyo xubnaha Golaha wasiiradda oo lakulmay Boqoro Salaadiin, Waxgarad, Culmo, masuuliyiin iyo Siyaasiyiin, waxa kulankooda kadib Madaxweynuhu ka hadlay rajada laga qabo soo af-jarida arrinta Collaada Ceel-Afweyn.


Halkan ka Daawo

Madaxweyne Biixi Oo Ishaaray Nabadda Ceel-Afweyn
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post