X
    Categories: Warar

Madaxweyne Biixi Oo Calaamatu Su’aal Geliyay Culimada Cibaadada Salaadaha Iyo Taraawiixda Ka Ooggaya Masaajidada Ee Dhegaha Ka Furaystay Go’aankii Xukuumadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay xaaladda dalka 11 May 2020, Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka kala hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee cuddurka COVID-19, wuxuu sheegay in natiijooyinka kasoo baxay baadhitaannadii la sameeyey ay caddaynayaan sida uu cudddurku u faafayo, isaga oo bulshadana u diray waanooyin dhanka ka hor-tagga xanuunka iyo is taakulaynta bulshada dhexdeeda.

Madaxweyne Biixi oo warbaahinta la hadlay goor dhaweyd, ayaa ugu horrayn shaaca ka qaaday in natiijooyinkii ugu dambeeyey ee uu saaray mishiinka sheybaadhka ee lagu baadhayo xannuunka COVID-19, si cad u muujinayaan inuu cuddurku si xawli ah bulshada ugu dhex faafayo, sidaa awgeed bulshada looga baahan yahay inay halistaas soo korodhaysa ku baraarugsanaato, kuna dhaqmaan tallaabooyinka xannuunka lagaga hor-teggi karo.

Waxa uu shacabka ugu baaqay in qof waliba si iskii ah uu isaga baadho xannuunka, si la dagaallankiisu u fududaado, faafitaankiisuna u yaraado, “Ta aynu doonayno inaynu fahamnaa waa xannuunka aynu iska baadhno inaga oo caafimaad qabna aynu baadhis samayno, marka goor hore la ogaado inaanad waxba qabinba waad ka adag tahay oo muddo uun baad nasanaysaa, boqolkiiba laba saddex qof mooyaane waxa laga yaabaa inay ka wada kacdo inta kale, laakiin haddii adiga oo aan is ogayn aad dadkii gaadhsiiso dhibaatadaasuu keenayaa.”ayuu yidhi.

Madaxweyne Biixi, waxa uu ku booriyay bulshada sadex qodob oo ah  kala-fogaanshaha, gafuur-xidhka iyo  joogtaynta gacmo-maydhashada, kuwaas oo sida uu sheegay ugu muhiimsan tallaabooyinka lagaga hor-teggi karo xanuunka, “Maadaama oo aynaan haysannin mishiinno badan oo wax baadha oo magaalooyinka oo dhan aanay inoo oollin waxa waajib ah, si taas loo helo saddexda qodob ee adduunka oo dhan la isku waafaqsan yahay ee laga midaysan yahay waa kala fogaada, Afka xidha, faro-xasha, waa sida qudha ee lagu yarayn karo fididdiisa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 “Sida ka ciidanka ah ee xadka joogaa naftiisa ugu hurayo inaan xadka lasoo gelin iyo sida askariga habeenkii oo dhan wareegaya ee tuugga ay dagaallamayaan naftiisa ugu hurayo inaad nabad ku seexato, qof wal oo muwaadin ah waxa laga rabaa in wixii uu hayo uu wax ka bixiyo, waxa la hayana aqoontaa ugu badane qofkii aqoon hayaa aqoontiisa haku deeqo, xooggaagaa ku xigee wax ku tar waa loo baahan yahayee, adduunkaaga wax ka tar.”ayuu ydihi, Madaxweyne Biixi.

Dhinaca kale, wuxuu ka hadlay Madaxweynuhu dugsiyo uu sheegay in ay Ardaydii isugu yeedheen iyagoo leh waxaan idinka qaadaynaa imtixaam, wuxuuna sheegay in ay layaab tahay arrintaas ay ku kaceen macalimiintu iyagoo aan waxba la socod siin wasaaradda Waxbarashada, sidaa awgeed wuxuu yidhi, “Ma waxay doonayeen inay wax baraan mise inay laayaan marka ay caruurtii isugu yeedhaayan, iyadoo xaaladda xannuunka aynu ognahay, kuwaas waxa laga qaadayaa tallaabada sharciga ee laga qaaday kuwa qaadka kootarabaanka ah keenaya.” Ayuu yidhi.

Waxa kale oo Madaxweyne Biixi xusay in Culimada Masaajidada ee taraawiixda dadka tujinaya iyo guddida arrintan xukuumaddu u saartay ku jiraan kulan arrimahaa lagaga hadlayo go’aankana lasoo saari doono.

”Culimada weli dadka taraawiixda tujinayaan waxa la fadhiya maanta guddida, waxa la weydiinaya bal xujada ay leeyihiin masaajidada aayanu dadku ku tujinayanaa taraawiixdii, iyadoo xannuunku sidaa u faafayo iyo dadka ka dhegeysnaya, ma Sayniskanay rumaysnayn, ma dadkay xannuunka la doonayaan ma caqli kalaa maxaa dhacay.?Ayuu yidhi,

Madaxweyne Biixi oo awaamiirta ay xukuumaddu soo jeedisay mar hore ee dhanka salaadaha oo ay culimadu dhegaha ka furaysteen, wuxuuna ugu baaqay dhalinyarada aqoonta leh ugu baaqay in ay ka qayb qaataan sidii qaranka loo badbaadin lahaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post